Weerar lagu qaaday dibedbaxayada Mursi ee Masar

130814063626_egypt_rabea_304x171_reuters_nocredit

Ciidammada Masar ayaa weerar la doonayo in lagu kala diro ku qaaday dibed baxayasha taageersan madaxweynihii xilka laga qaaday.

Taageerayaasha Maxamad Mursi ayaa muddo bil ka badan degan laba fagaaro oo ay ku dibedbaxayeen.

 

Waxaa jira warar sheegaya in ciidammada ammaanka ay adeegsanayaan rasaas iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Afhayeen u hadlay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee uu Mursi ka tirsan yahay ayaa sheegay in ugu yaraan 50 ruux ay ku dhinteen weerarka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la kala diray dadkii degganaa fagaaraha Al-Nahda, oo ka mid ah labada goobood ee ay ku dibedbaxayeen taageerayaasha Mursi.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegaya inay dibedbaxyadu socon doonaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in ciidammada ay badbaadin doonaan dadka doonaya inay ka baxaan goobaha ay ka socdaan dibedbaxyada.

Salaanmedia/Hargaysa