Xaaji Cabdi Xusseen Oo Xukumada Ku Amaanay Bixinta Derajooyinka Ciidamada

Hargeysa(SM)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah waxgaradka ugu mudan Somaliland, ayaa xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku amaanay bixinta derajooyinka ciidamada qalabka sida. xaaji

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay kulan kula yeeshay Magaaladda Hargeysa guddida dhismaha rugta qaran ee buugaagta Somaliland (Somaliland National Library), kaas oo sheegay in derajooyinka lagu taxay ciidamada kala duwan ee dalku ay dhamaystirtay dawladnimada Somaliland. Ugu horayna Xaaji Cabdikariin oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta dawladbaynu nahay, xukuumadda Somaliland xidigihii-bay fulisay (Derajooyinkii ayay bixisay) awal jabhad ayaynu ahayn, maanta dawlad ayaynu nahay oo kala dambayntii maanta ayay inoo hirgashay, ILAAHA inagu simay ayaa Mahad leh, xukuumadda iyo Madaxwaynaheeduna mahad ayay leeyihiin, shacabka wanaagsan ee xumaha, buuqa iyo dheel-dheelka diida ee samaha doortaana mahad ayuu leeyahay wuu mahadsan yahay”.

Dhinaca kale Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah waxgaradka ugu mudan Somaliland, ayaa bulshadda ku booriyey in laga wada-qaybqaato dhismaha rugta qaran ee buugaagta Somaliland (Somaliland National Library) oo dhalinyaro isagu jira qurba-joogta reer London iyo dhalinyaro dalka ku sugani, kuwaas oo dadaal badan galiyey sidii caasimadda Somaliland ee Hargeysa looga hirgalin lahaa xaruntaas Xaaji Cabdi Waraabe, oo arimahaa ka hadlaya isla-markaana ugu horeyn salaantii Ciidda u diraya shacabka iyo madaxda Qaranka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ciid Mubaarik ayaan leeyahay Jamhuuriyadda Madaxwaynaheeda, Madaxwayne ku xigeenkeeda, Wasiirrada, Baarlamaanka, dhalinyarada, Haweenka, culimada, rag iyo dumar, ILAAHAY ha inaga yeelo kuwii la xoreeyay (Cadaabka laga xoreeyay)”.

Xaaji Cabdi Waraabe, isaga oo ka hadlaya dhismaha Maktabadda cusub, waxa uu yidhi “Maktabaddaa caamka ah ee la dhisayo ee dhalinyarada waxbaranaysa iyo inta suuqa joogtaaba wax haku akhristaan oo ha isku bartaan la yidhi , Jamac ahaan in laga qayb-qaato weeyaan, wanaaggaa dhalinyaradu aasaastay, xukuumadda, shacabka, rag iyo dumarba waa in laga qayb-qaataa oo culimadu masaajiida ka sheegaa oo la dhisaa, waa meel xumaha lagu baab’biinayo oo wanaagga lagu dhisayo, waxaan leeyahay haloo dedaalo, waa waslad weyn oo inaga maqnayd, Dhalinyarada barakaysan ee dawladdu iyagga ku dambayn doonto ee aasaasaya meelaha wanaagsan ee wax lagu dhigto ee la isugu yimaado ee la isku barto way mahadsan yihiin, halaga qayb-qaato, maaha in lacagta xukuumadda uun laga sugo, ninka kun shilin bixiya iyo ninka boqol kun bixiya, intuba waa wax tar, nin walba wuxuu hayo haku gacan furnaado suuqa ayaa loo mariye, waa meel weyn (National Library) dhulkiina xukuumadda ayaa bixisay, hala dedaalo, dawladda hoose ha dedaasho ooh ala socoto, waxa dhalinyaradu aasaastay waa masaabiirta dawladda ee hala xoojiyo, dadka dibadaha jooga ee caawimada Somaliland ku fadhido badankeeda bixiya waxaanu leenahay soo caawiya Laybareeriga”. Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Waraabe oo si kooban u sharaxay faa’idada rugtani u leedahay qaranka, waxa uu yidhi “Dhaqankeenii iyo taariikhdeenii ayay soo celinayaane haloo dedaalo guddo iyo dibadba, Jaamacadduhuna ha caawiyaan Laybareerigaa, xukuumadduna ha caawiso, wasiirka daakhiligu hala socdo, Maayaradu ha caawiyaan oo hala isugu taggo, oo inamadaa halala socdo”.

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho Togaherer