Xildhibaan Qodob-Qodob U Soo Bandhigay Wax-Qabadka Xukuumadda Somaliland Muujisay

“Ninka Aanu U Muuqan Wax-Qabadka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Aniga Ha Ii Yimaado………Walaallayaal Golahaas aad ku dhawaaqdeen waa sharci-darro, waa fawdo la sii saadaalin karo hadduu sii socdo doc-faruurka Qaranka ku dhacaya…” Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

 

Hargeysa(SM):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo qabatay wax badan oo muuqda, isaga oo soo jeediyey cidda aanu wax-qabadkaasi u muuqannini inay isaga Xildhibaan Nacnac u tagaan.

Xildhibaan Nac-nac waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed dheer oo uu shalay soo saaray, kaasoo uu kaga hadlay wax-qabadka Xukuumadda iyo arrimo kala duwan oo dhawr ah oo Golaha labaxay Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku ka mid yahay. Waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkiisa oo dhammaystirani u dhignaa sidan:-

 

 

“Waxa aan doonayaa inaan wax yar ka taabto wax-qabadka Xukuumadda KULMIYE  muddadii koobnayd ee ay jirtay maaddaama oo aan ahay Xildhibaan Xisbiga Kulmiye ku abtirsada, sidoo kalena waxaan ka hadlayaa Golaha isku-magacaabay Wada-tashiga. Haddaba, waxaad mooddaa inay caado iyo dhaqan u noqotay in dadka qaarkood aanay qirin wax-qabadka Xukuumadda KULMIYE ku tallaabsatay, balse caadadaas iyo dhaqankaasi waxay xaalad dhaba isu beddeshaa marka hadba cida xilka haysaa kursiga ka tagto ayaa la qiraa oo la yidhaahdaa waxaas oo horumar ah ayaa la qabtay, taasina waxay macne buuran samaysaa in la qiro qofku inta uu joogo.

 

 

Sidaas daraaddeed, anigoo ah Xildhibaan waxaan Muwaaddin ahaan u qirayaa waxay Xukuumadda uu Hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qabatay, waxa aan iftiiminayaa inta Ogaalkay ah.

 

 

1.    Mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo 100% la kordhiyey

2.    Lacagtii giimbaarta ahayd oo laga bedelay gobolada Bariga taas oo caqabad ku ahayd dawladnimada iyo karaamada shacabka.

3.    Derejooyinkii ciidamada oo la bixiyey

4.    Idaacada iyo Tvga Dawlada oo labadoodaba lagu guulaystay in daafaha dunida la gaadhsiiyo

5.    Idaacada quraanka kareemkaa oo 24ka saacadood shaqaysa Madaxweynehana loogu bixiyey adeegaha Quraanka

6.    Tartankii quraanka kariimka oo dawladu bilawday laguna bixiyo jaaisadihii abid ugu qaalisanaa ee la bixiyo

7.    Dhismayaasha dhamaan xarumaha dawlada dayrarka qaaligaa loogu sameeyey iyo dhismayaasha cusub ee loo dhisay wasaaradaha Kaluumaysiga, qorshaynta Qaranka, ciyaaraha, Cadaalada , Maaliyada, arimaha debeda diinta iyo awqaafta, duulista iyo hawada , Gaashaandhiga, Hawlaha Guud iyo qaar kale oo badan.

8.    Waxa la shaqaalaysiiyey in ka badan 5000 oo shaqaale ah

9.    Dhismayaasha madaarada Hargeysa, Berbera iyo Burco oo manta diyaarad kasta isticmaalayso lagana hirgeliyey madaaro Casriya

10.    Fidinta maamulka Gobolada Bari

11.    Haamihii shidaalka TOTAL oo Xukuumadu la wareegtay

12.    Waxbarashadii dugsiyada Hoose dhexe oo bilaash laga dhigay

13.    Dalka oo laga bilaabay shidaal qodis sanadka soo socda bilawgiisana shidaalkii

ugu horeeyey dhul soomaaliyeed la soo saari doono

14.    Miisaaniyadii qaranka oo la kordhiyay ku dhawaad 5 laab

15.    Xukuumada oo hirgelisay in markii ugu horaysay taariikhda Somalia iyo Somaliland oo laba dawladood ahi isa soo hor fadhiistaan duniduna dhex u noqoto badheedheheenana aynu dhiibanay.

 

Wax qabadadani waa horumar la’aantood Somaliland la tiicaysay sanado badan waana wax ilaahay loogu mahadiyo, inuu inoo suurta geliyey.

 

Waa wax qabad muwaadinka sida saxda ah u fekerayaa arki karo dareemina karo, mahadin karo, ku faani karo, ku niyadsamaan karo in dalkiisu mustaqbal ifaya leeyahay

 

Intaas waxa dheer iskaa-wax uqabsashada Xukuumadu doorkeeda dhaqaale ka qaadatay , sida:- wadooyinka magaalooyinka iyo wadooyinka isku xidha gobolada sida wadada Hargeysa ilaa Boorama, wadada hargeysa ilaa Salaxlay, wadada Dawga Cad, wadada Hargeysa ilaa Oodweyne, wadada Hargeysa ilaa Bali gubadle iyo qaar kale.

 

 

Arrinta labaad ee aan qoraalkaygan kaga hadlayaa waa Golaha la baxay wada-tashiga, Waxaan leeyahay Saaxiibbaday waxa idinku jira Masuuliyiin dalka iyo dadkooduba ay yaqaanniin, waxa idinka mid ah Mujaahidiin dalkan ku tabcay, sidaas darted, waxaan idin siinayaa talo dhaxal-gal ah. Walaallayaal waxaad ku soo tacabteen gacantiinna ha ku duminnina dawlada hadba cidbaa hoggaanka u haysa waana in lagu ixtiraamaa oo horumarinta Qarannimada iyo jiritaanka ummadda lagula shaqeeyaa. Markaas, ayaa haddii laguu calfay adigana lagula shaqayn doonaa.

 

 

Walaallayaal Golahaas aad ku dhawaaqdeen waa sharci-darro, waa fawdo la sii saadaalin karo hadduu sii socdo doc-faruurka Qaranka ku dhacaya, Tusaale ahaan waxaad qaadateen ereyega Gole oo loo yaqaan golayaal qaran oo dastuuri ah waxaana dhici karta in la fadhataysto ereyada kale ee dawlada sida in layskala baxo magaca Baarlamaanka la talinta iyo toosinta qaranka, sida dawlada dadka danyarta ah taasina haddii ay dhacdo waa qaran jab madaxweynaha iyo madaxda kale ee manta mindida daabkeeda hayana waxay ku noqonaysaa Taariikh Xumo haddii ay ogolaadaan.

 

 

Sidaa daraadeed waxaynu wax ku wada nahay eek u kala danbaynaa waa sharciga iyo qaanuunka dalka u yaala hadaynaan ixtiraamina waxba noqon mayno,

 

 

Waxaan ku soo gebogebaynayaa waxqabadada xukuumada ninka aanay u muuqanin labadan Kelmadood ee uu tiriryey Abwaan Salaan Carabay

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

 

 

Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.” Sidaa ayuu Xildhibaan Nacnac ku yidhi Warka qoraalka ah ee uu shalay soo saaray.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Sland today