Daawo: SAWIRRO Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka, Egeyga Norway & Safiirka Uk

Sept 5, 2013 Mogadishu (SM) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway iyo Safiirka UK.

Madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka Jim Marshall ayaa waxey ka wadhaleen sida Machadka Nabadda ee Mareykanka uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha amniga iyo nabadeynta. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashadiisa dalka Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay amni iyo nabad.

Madaxweynaha kulankii uu la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway Jens Mjuagedal ayaa waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Somalia, shirka Brussels iyo kaalmada ay dalka Norway u fidiso Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu sidoo kale maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska Neil Wiggan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, dabagalka howlaha muhiimka ah ee UK ay ka wado Soomaaliya oo ay ku saacideyso shacabka Soomaaliyeed, Shirka Brussels iyo arrimo kale.