Fadliga Ay leedahay Maalinta Jimcaha

 Fadliga Salaada Jimcaha – Sh. Abul Cabbaas

Jimcaha waa maalin fadli badan, waayo waa ciidda muslimiinta, waa maalin ay muslimiinta ku kulmaan masaajidka iyagoo kakala yimi meelo kala fog si ay u dhagaystaan xuska Alle iyo wacdiga Imaamka. Qofka haduusan dhageysan wacdi muddo dheer qalbigaamirira marka xigana ka awdma kheyrka.


Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Ragga hadii eeyan ka joogin ka tegidda ay ka tegeyaan salaadaha jimcooyinka Ilaahay ka dabooli doonaa quluubta, kadibna waxay noqonayaan kuwo kheyrka halmaansan.

Jimcadu waxay ka mid tahay xilliyada samadu furan tahay oo hadduu addoonku ducaysto Ilaahay kor ahaaye ka aqbalayo ducada.


Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Maalin ay qorraxi usoo baxdo waxaa u kheyr badanmaalinta jimce, waayo waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalinta jannada la geliyay,waana maalintii xageeda laga soo bixiyey, qiyaamaduna dhici mayso maalinaan jimco aheyn. Sidaa awgeed Alle kor ahaaye wuxuu noo dardaarmay in loo degdego salaadda jimce marka laysugu yeero


Wuxuuna Alle yiri: Kuwa Alle iyo xaqa rumeeyow marka la adimo salaadda jimce u degdega xuska Alle kana tagawax kala iibsiga saasaana idiin kheyr roon haddaad tihiin kuwo wax garanaya.


Haddaba waxaa habboon in loo darbado jimcaha oo qofka muslimka ah uu qubeysto oo weyso qaato, Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajibay inuu qubeysto maalinta jimcaha iyo inuu ku labisto dharkiisa kuwa ugu wanaagsan, iyo inuu iscarfiyo hadduu heli karo.


Maadaama jimcaha loogu talagalay in dadka la wacdiyo lana waaniyo waxaa waajib ah in la dhageysto khudbada imaamka, mana banaana in la hadlo ama la buuqo intey khudbadu socoto nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Jimcaha markuu Imaamka khudbeynayo, haddaad saxiibkaa ku tiraahdo “aamus” hadalkaagu waa mid micno darro ah.


Hadduuse qof qaldamo oo uu hadlo ama buuqo waxaa waajib ah in laga aamuso intey khudbadu socoto kadibna si xigmad leh loogu sheego.

Salaanmedia/London