Kulan Dhex-maray Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Wadanka Ingiriiska Mudane Axmed Cumar Sangoore Iyo Safiirka Wadanka Maraykanka U Fadhiya Dalka Ingiriiska.

image

Kulan Dhex-maray Safiirkii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Wadanka Ingiriiska Mudane Axmed Cumar Sangoore Iyo Safiirka Wadanka Maraykanka U Fadhiya Dalka Ingiriiska.

London(SM) Sept.06, 2013 – Mudane Axmed Aadan X. Cumar oo ahaa Mayorkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee wadanka ingiriiska ka noqda Mayor, gaar ahaan xaafada Tawer Hamlet ee magaaladda London, isla markaana ahaa safiirkii hore Somaliland u fadhiyey wadanka Ingiriiska ayaa kulan marti qaad casho sharaf ah la yeeshay safiirka wadanka maraykan u fadhiya wadanka Ingiriiska Ambassador Matthew Barzun. Waxaana ay kulanka kaga wada xaajoodeen xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo wadanka maraykanka.

Mayor Axmed waxa kale oo uu sheegay inay sanfiirka ka wada hadleen arimo ku saabsan xaawadalaha Soomaalida ee bangiga Barcalys Bank ee ku yaala wadanka Ingiriisku uu dhawaan ku dhawaaqay inuu xidhayo xisaabaadka ay ku leeyihiin xawaadaha Soomaalidu, Mayorku waxa uu sheegay inuu kulankaasi ahaa mid wax ku ool ahaa.

Maxamed Ismacil Jaamac

London UK.