“Lacagta Faalsada Ah Ciddii Lagu Arkaa Waa Dambiile, Sharcigaana La Marinayaa….” Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland :Waraysi Gaar Ah

“Markii ugu horraysay ayay dadwaynaha reer  Ceerigaabo maanta shilinka Somaliland toos wax ugu kala iibsadeen iyadoo aanay jirin lacag kale oo gudaha magaaladda lagu kala qaadanayay”

 

“Lacagta faalsada ah ciddii lagu arkaa waa dambiile sharciga ayaana la marinayaa…” Waraysi Gaar Ah:Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi

 

Ceerigaabo(Salaanmedia.com):- Shalay subax ayay ka bilaabantay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag hirgelinta lacagta Shilnka Somaliland, isla markaana toos loogu beddelayay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo Shilinka Somaliland, iyadoo hawsha  isku beddelka Shilinka Somaliland iyo lacagta Doollarka Maraykanku socon doonto muddo 48 saacadood ah oo uu hawshaa wadayo Baanka Somaliland.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo immik socdaal shaqo ku jooga xarunta gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo oo Waraysi gaara siiyayWargayska Somalilandtoday, ayaa sheegay inay toos uga bilaabeen isku beddelka lacagta Doollarka Maraykanka iyo shilnka Somaliland, isla markaana shalay laga bilaabo ay dadwaynaha reer Ceerigaabo toos wax ugu kala iibsanayaan shilinka Somaliland.

 

 

Waxaa kale oo uu Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi ka warramay faa’iidada ay u leedahay Ganacsatada gobolka Sanaag iyo guud ahaan dadwaynaha deegaankaba isticmaalka Shilinka Somaliland oo uu tilmaamay inuu ka badbaadinayo dhibaatada ay kala kulmi jireen wax ku kala iibsiga shilin Soomaaliga oo uu sheegay inay Ga’doon kaga ahaayeen dhammaan macaamilka Ganacsi ee ka jira Somaliland inteeda kale.

 

 

“Waxaannu ka bilawnay gudaha magaaladda Ceerigaabo beddelaadda Shilinka Somaliland oo aannu dadka ugu beddelaynay lacagta Doollarka Maraykanka, hawshaasina si wanaagsan ayay noogu socotaa dadwaynaha reer Ceerigaabana si wayn ayay u soo dhaweeyeen hirgalinta shilinka Somaliland oo maanta(Shalay) gudaha magaaladda Ceerigaabo wax kasta lagu kala iibsanayay.”

 

 

 

Guddoomiye Cabdi Dirir oo ka hadlayay siday uga hor-tageen  in lacagta Silin Soomaaliga oo tahriib ah la soo geliyo gudaha Ceerigaabo laguna beddesho Doollar  sidaana  dadka reer Ceerigaabo  ay kaga lumo dhaqaale badan, mar haddii aanay shilin Soomaaliga beddelayn Baanka Somaliland ahaan ayaa yidhi; “Waxaannu dhammaan magaalada ka xannibnay in wax lacag ahi dibedda ka soo gasho oo waxaannu hawlgelinnay Ciidammada Qaranka iyo Booliska, dhammaan gudaha magaalada Ceerigaabana ma jirto wax soo galaya illaa laga baadho oo uu Kastamku soo hubiyo marka shaqada beddelaadda lacagtu ay dhammaato, shaqaduna waxay soconaysaa muddo 48 saacadood ah oo ka bilaabanta maanta (shalay) kuna eg Berri (maanta) 6-da fiidnimo, sidaas ayaanay Ceerigaabo ku noqonaysaa magaalo la jaan-qaadda Ganacsiga dalka intiisa kale.”

 

 

 

Guddoomiyaha Baanka oo ka hadlayay qaabka ay lacagta Giimbaarta ah uga beddelayaan magaalada Ceerigaabo oo ka duwan sidii looga beddelay magaalada Burco waxa uu yidhi; “Lacagta waxaa dadka ka qaadaya oo noo dhexeeya Salaaddiinta iyo Tijaarta waawayn, waxaanay ka dhigayaan Doollar, markaas ayaanay la imanayaan toban xarumood oo aannu u furnay in dadka lacagta loogu beddelo. Markaa, Baanku wuxuu qaadanayaa Doollar waxaanu siinayaa oo uu ugu beddelayaa Shilin Somaliland, waayo? Annagu ma qaadanayno Giimbaarta. Markaa, waxaa lacagtaa dib u riixaya oo dalka ka saaraya Ganacsatada oo dalka Soomaaliya badeecado kaga soo iibsanaya. Laakiin, dadka wax ka qasaarayaa ma jiraan, balse maanta ayay hantidoodu u badbaaday oo ay la jaan qaadeen ganacsiga Somaliland.”

 

 

 

Cabdi Dirir Cabdi Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo ka hadlayay sida ay u xakamaynayaan lacag Soomaaliga faalsada ah ee Shilin Soomaaliga iyo faa’iidada uu u soo kordhnayo Ganacsatada iyo dadwaynaha reer Ceerigaabo Shilinka Somaliland, waxa uu yidhi; “Lacagta been-abuurka ahi waa sharci-darro ciddii lagu qabtaana waa dembiile, waxaanan horkeeni doonnaa sharciga. Lacagta Giimbaarta ahina waa lacag dal kale leeyahay, maanta laga bilaabana dadka reer Ceerigaabo waxay toos u qaadanayaan oo ay wax ku kala iibsanayaan shilinka Somaliland oo ka badbaadinaya inuu ku yimaaddo hoos u dhac dhaqaale iyo qasaare soo gaadha Ganacsigooda. Waxaa ay maanta Ganacsatada reer Ceerigaabo la jaan-qaadayaan dhammaan Ganacsiga ka socda Somaliland oo ay markii hore ga’doon ka haayeen, taana waxaa u suuragelinaya qaadashada shilinka Somaliland.

 

 

 

“Dhaqaalaha gobolkan waxaa curyaamiyay lacagta giimbaarta ah ee  ka go,doomisay inay wax la qabaan dalka intiisa kale waxaana ku socotay lacag maalinba nin intuu doono soo daabacdo oo uu wax kaga iibsado. Laakiin, maanta way dhammaatay dhibaatadaasi oo wax aan Shilin Somaliland ahayn lagu qaadan maayo iyo Sarifka lacagaha qalaad oo caadi uga shaqaynaya magaalada sida dalkaba loogu kala Sarrifto, maantana qiimaha caadiga ah ee uu suuqa ka joogo ayaannu dadka ugu beddelaynaa Doollarka oo aannu ku siinaynaa Shilinka Somaliland.”

Salaanmedia/Ceerigaabo

 

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday