Ugaaska Beelaha Sacad Muuse oo Muddeeyey Qabsoomidda Shirka HOODAALE oo Hakad ku yimi Read more: Ugaaska Beelaha Sacad Muuse oo Muddeeyey Qabsoomidda Shirka HOODAALE oo Hakad ku yimi

image

Hargeysa, 05 Sept, 2013 (SM)- Ugaaska guud ee Beelaha Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa (Sacad Muuse) Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), ayaa ka hadlay halka uu marayo shirkii HOODAAE ee loo qoondeeyey inuu ka qabsoomo degmada Agabar ee gobolka Gabiley, balse qabsoomiddiisa hakad ku yimi. Ugaaska oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa,  waxa uu sheegay inuu shirkaasi dhowaan si toos ah u bilaabmi doono muddeyntiisana lagu dhawaaqi doono todobaadka soo socda.

“Shirka, arrintaas aad maqasheen waxba kama jiraan wax khilaaf ah oo shirka beesha sacad Muuse ka jiraa ma jirto.  Shirkuna wuu soconayaa oo wuu dhacayaa, waanu dhow yahay,  hawshiisa ayaa la  wadaa muddo dhowna aniga ayaa ku dhawaaqi doona. Wax ka xumina ma jirto oo waa meel qudha oo dadku heshiis ku yahay,” ayuu yidhi Ugaasku, waxaanu intaas ku daray, “In shirka Sacad Muuse uu mid qudha noqdo oo mid qudha la tago Ninka diidanaw meel aad ku noolaan doonto mooyi. Haddii aad labadii aan u kala soconay ay  baaba’ doonayso mid qudha ayaa la helay oo lagu midaysan yahay.”

Ugaasku waxa kale oo uu muddeeyey wakhtiga la shaacinayo qabsoomidda shirka beeshaas, waxaanu yidhi, “Ninka hadlayow sida aan wax u ogahay wax u sheegi maayo,  shirkuna wuu qabsoomayaa oo waa loo ducaynayaa cidda dhex-dhexaad ka noqotay ee shirkaas dhalisay ee adduunkeedii ku bixisay aad ayaanu ugu ducaynaynaa shirkana waa looga dhex ducaynayaa, waxaanan leeyahay Sacad muuse ka gudaha jooga iyo ka dibedda joogaaba ha ku soo talo-galo shirka wanaagsan ee midaysan ee dhowaanta dhici doona oo todobaadka inagu soo socda lagu dhawaaqi doono, aniga ayaana ku dhawaaqi doona, wax khilaaf ah ee la sheegayaana wax jira maaha, cidda ila joogtaa waa ciddii guddida ahayd, aniga oo Ugaaskii beesha ah.” Read more: Ugaaska Beelaha Sacad Muuse oo Muddeeyey Qabsoomidda Shirka HOODAALE oo Hakad ku yimi.

Xigasho.. Ogaalnews.net