Waxqabadka madaxweynaha somaliland axmed maxamed siilaanyo waa mid aan qofna dafirikarin.

CABDI

Marka hore waxan halkan kasalamayaa dhamaan umada jamhuuriyada somaliland oodhan meelkasta oo ay kala joogaan . intaasi kadib waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaado horumarka ay somaliland gaadhay intii uu xilka madaxweynimo uu qabtay madaxweynaha jamhuuriyada somaliland axmed maxamed siilaanyo. sida lawada ogsoonyahay 27/10/2010 markii uu xilkaasi sid dumaqaradiyada ah uu ulawareegay axmed maxamed siilaanyo. isbadalo badan ayuu sameeyey .

hadaan soo qaato waxa kamid ah miisaaniyada dawlada oo la kordhiyay taasi uu sameeyey wasiirkii hore ee maaliyada eng maxamed xaashi cilmi oo ahaa runtii muwadin dhab ah oo lexejeclo ka qaba wadankiisa hooyo iyo dadkiisaba .

waxa la kordhiyey mushaharka ciidamada. waxa lacagla,aan lagadhigay iskuulada hoose dhexe ay dawladu maamusho. waxa iyana lacagtii laga badelay gobolka togdheer oo ay isticmaalayeen lacagtii dawladii dhexe ee somaliya ee dhacday. waxa uu madaxweynaha somaliland dalka keenay idaacad wadanka oodhan wada gaadha. iyo tvga qaranka oo isagana laga daawaday yurub . america.. asia. waxa uu hirgaliyey bixinta darajada ciimada oo aanay dhicin waligeed somaliland inay ciimadeeda darajo lasiiso. taasi oo aany qaban madaxweynahashii ka horeyey siilaanyo taasina waa guulaha uu gaadhay qarankani. intii loo dhaariyey mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo.
waxaa xaqiiqo ah in madaxweynaha somaliland uu dadkiisa uga tagidono dhaxal lataaban karo oo ay xusidoonto taariikhada soo jireenka ah ee somaliland,
waxa kale oo lasameeyey oo wax wayn laga qabtay madaarada berbera. iyo hargaysa. taasi oo ay shacabka jamhuuriyada somaliland ay aad ugu farxeen. madaxweynaha jamhuriyada somaliland waxa uu furay oo uu fasaxay in qofkasta oo muwadin somaliland ah inuu furan karo xisbi taasina waa guulaha waawayn ee axamed maxamed siilaanyo sameyey. intii uu xunkan lawareegay. madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamud siilaanyo waxa lagu tilmaama madaxweyne karti badan oo daacad u ah. waxa uu qabanaayo waxa uu wakhtigiisa oodhan ulumiyey inuu u adeego dadkiisa iyo dalkiisaba. oo uu ka midho dhaliyo waxii uu ubalan qaaday umada jamhuuriyada somaliland ee dooratay. madaxweyne siilaanyo waxa lagu tilmamikaraa inuu yahay madaxweyne isku kalsoon. oo waxa uu doonayo inuu sameeyaa ay u cadahay. waa madaxweyne lagu aamini karo wadanka iyo shacabkiisaba oo aan loga baqayn in uu wadanka u hor seedo dib udhac iyo iska horkeen beelaha walaalah ah ee wada dega dalka. waa madaxweyne ay ka go.antahay wax qab buuxa inuu sameeyo. madaxweynaha somaliland waxa lagu sifeeyaa inuu yahay madaxweyne maskax badan oo degan . oo aan degdeg iyo fuday aanu hadalkiisa kujirin. waa madaxweyne ka fiirsada waxkasta oo uu odhanayo. waana siyaasi xeel dheer oo aragti fogleh.
dhinacakale madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo waa madaxweyne dadkiisa jecel oo shacabkiisu iskugu midyahay oo aan soo kala dhawaysan.
hadaba aniga oo aan soo koobi kari waxqabka xukumada somaliland ee uu hogaamiyo siilaanyo.  oo   aan  iga   ahayn   amaan  laakinse   ay  tahay  waxa  lataaban karo  oo  ay  xukumada  hada  joogtaa    ay qabatay marka  aan   laysxaasidayn oo aan   layska ina tirayn  hurumarka  wadanka  kasocd.  halkii  uu markii  hore  taagnaa.

madaxweynaha somaliland waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii somalilnd ay aduunka uga helilahayd aqoonsi buuxada. hadaba isaga oo madaxwenuhu sidaa u dadaalayo ayaa waxa dhacda in mararka qaarkod ay dhaliilo aan caadi ahayn u soo jeediyaan dad iyagu wata dangaar ah oo aan lexejeclo aanay ka hayn wadankooda. oo doonaya inay gaadhaan dantooda shaqsiyadeed.
hadaba waxan u soo jeedinayaa shacabka somalilan inay wadankooda aaminan oo ay lashaqeeyaan dawladooda  ilaaliyaan   nabadgelyada  waayo    nabadu waa  furaha   nolosha.  qiimaha   ay  leedahanay  ma  aha  mid lasoo koobikaro. nabadla,aani  waa  nolol la,aan.  wax barasho la,aan  naxariis la,aan.   hoy la,aan.   caafimad la,aa.  waa  dawlad la,aan.  waa  burbur  barakac    sidaa  awgeed  waxa  inala  gudboon   inaynu    meel  uga  soo wada  jeesano  sidii  wadankeena  aynu  uga  ilaalilayn wax kasta oo  ku keeni kara   xasilooni daro. dhinacakalena  waxaan leeyahay   golaha wadatashiga iyo toosinta.  ee  dhawaan laga  dhawaaqay   somaliland .

Oo ay  ku jiraan  ragii wadankan  u soo halgamay  oo  umada   somaliland   kuleh  magac   maamus  iyo  qadarin  inay  iska  ilaaliyaan  waxkasta  oo  shacabka   wax yeeli kara  nabadgelyadooda. iyo  horumarkooda.  waxana  lagudboon  inay  ogaadaan  in  cadow badan  ay  somaliland  leedahay  sidaa daraadeed   inay   iska  dhawraan    badanaa   waxii  wax  udhimikara  jiritaanka  somaliland.  oo  ay  dawladana  kalashaqeeyaan  sidii ay  shacabka somaliland  ugaadhi lahaayeen  dad iyagu  isku  filan oo wax soo saar  leh.   xukumadana waxa   haboon  inay   waxii talo ah ee  ay    wadanaa   Odayaashaasi golaha wadatshiga  iyo toosintu  inay  sifiican   u dhageysato, waxa  ay donayaa    ama  fikirka cusub ee  ay hayaan  .si   aanay  ugu  faa,idasan cadowga somaliland  hadalada  laysku marinaayo  saxaafada. oo iyana  haboon    in aad  layskaga dhawro.  ama  layska  ilaaliyo waxkasta oo waxa  u dhimikara    jiritaanka  somaliland.
kana qaybqaataan horumarka wadanka kasocda. ilaalinta nabadgelyada. ay meel uga soo wada jeestaan.
xukumada waxaan odhan lahaa waa inay kasoo baxdo aamanadi uu shacabkani u dhiibtay.
guul iyo barwaaqo ayaan u rajaynayaa somaliland,   INSHALAHU

 

   Cabdi  Barud   Cabdi  Xarago   

       Bristol  UK                Â