Xukuumada Mujaahid Siilaanyo waxa ay meesha kaga bixi kartaa oo keliya sifii ay ku timid ee codka shacabka”.Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”‏

Xaqiiqdu waxay tahay in dib u dhicii ku yimid Jamhuuriyaddan curdinka ah ee Somaliland ay masuuliyadeeda lahaayeen kooxihii SNM ee ay gacmahooda ku burburtay dawladii la siiyay inay wax u qabato mujaahidiintii dalkan xoreysay ee axdiqarameedkeedu qeexaayay in 60% ay muhiimada wax u qabasho siiso ragii iyo hablihii ummaddan u soo shihiiday,kuwa naafada ah iyo agoomihiiba.

 

Inkastoo ay taasi tahay wax taariikhda aan marnaba ka baxay qof kasta iyo doorkii uu ku lahaa burburintii xukuumaddii SNM ha ahaado kuwii madaxda looga dhigay iyo kuwii ka hor yimid ee xabada u qaatay, kalana roonaan kari waayay, kuwaasi   oo ilaa iyo 1997kii hadba kooxdooda ka hadha xukunka ay shacabkan masaakiinta ah u soo xidhanayeen shaadhkii halganka,kuwaasi oo laga yara nastay wixii xiligaa ka danbeeyay markii ay bulshadu ka daashay hadba waji soo badelashadoodii iyo qori is marisnimadii.

 

Inkastoo aan moodaynay in cahdigaasi dhamaaday ayaa waxa taasi noqotay kuna sifowday halku-dhigii ahaa “Bahal caydhiin ma daayo nina caadii ma baajo. “ kadib markii ay kooxda ka soo hadhay mujaahidiintii dalkan xoreysay ee Xisbiba qancin waayay ay ummaddan masaakiinta ah ugu hanjabayaan in  xukuumaddii ay soo doorteen in ay dagaal kala hortagayaan sida badheedhka leh uu Xassan Guure ugu goodiyay in ay xabad kala horimanayaan dawlada Siilaanyo, ha xumaato ama ha wanaagsanaatee  waxa aan marnaba la aqbali karayn  in ay dalkan ku soo guryo noqdaan kooxihii magacyada lahaa ee halkan uu maanta joogo ka masuulka ahaa.

 

Dhab ahaantii Saxaafada Somaliland ayay ahayd cidii ka caawisay madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in aanu dalkani yeelan wax loo yaqaanay “Caydiideyn iyo Cali Mahdiyeyntii” halkaa dhigtay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya,marka laga tago odayada golaha guurtida ee ahaa halbawlihii ugu weynaa ee habayay jirida qaranimada joogta barta lagu faani karo .

 

Maaha in aan ka soo horjeeedo in lagu mucaarido xukuumadda uu hogaanka ka yahay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,balse waxa aan doonayaa in cidi mucaaradaysa ay  tilmaanto xumaanta ay falayso dawlada,islamarkaana ay ku daraan waxa lagu sixi karo, waxase aan meesha iman Karin in cidi ku handado in ay meesha kaga bixi doonto xukuumaddu sifo aan ahayn tii ay ku timid,haddii ay tahay xabad ama dad wax magarato ah oo loo abaabulo qaab qabyaaladeed sida ay dadka qaar ku fikirayaan in laga horkeeno majwado dad caadifadaysan ah oo suuqyada la soo tubo.

 

Si kasta xaalku ha ahaadee waxa runta biyo kama dhibcaanka ahi ay tahay in cidii doonaysa in ay arkaan Axmed Siilaanyo oo aan Madaxweyne ahayn waxa keliya ee u furan in ay xoojiyaan mid ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah ee jira, haddii kale waa calaacashaa oo timo ay ka soo baxeen in ay timaado in ay mar kale Somaliland ka dhacdo waddada dimoqraadiyada ah ee ay haysato oo ah in ay mar walba hogaanka hayso xukuumad ku timid codka shacabka oo bedeshay mid kale oo sifahaa ku fadhiday,taasi oo keliya ayayna Xukuumaddan maanta joogtaa meesha kaga tegaysaa.

 

Xukuumadda waxa ay dadweynaha reer Somaliland uga fadhiyaan in ay ku adkaato ilaalinta sharciga iyo kala danbeybta, waana masuuliyad saran oo ay tahay in aanay cidna uga habran ilaalinta qaranimada Jamhuuriyadan yar,isla markaana ay bulshada u xaqiijisaa inaanu jirin shakhsi ka sareeya sharciga.

SAMSUNG DIGITAL CAMERA

Guddoomiyahii Hore Ee  Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA

Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”‏