20-sano ayaa ka soo wareegatay markii diyaaradii Black Hawk Down lagu soo riday Muqdisho (Sawirro)

3-dii October sanadkii 1993-dii ayay aheyd markii Ciidamada Mareykanka ee hogaaminayay howl galkii UNISOM ay weerar ku qaadeen Allaha u naxariistee Jen. Maxamed Faarax Ceydiid oo hogaaminayay Isbaheysiga SNA, xilligaasoo Qaramada Midoobey ay u balan qaaday cidii soo qabata 25-kun oo doolar.Weerarkaas oo ay ku dhinteen 18-askari Mareykan ah iyo ilaa 1000 ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay howl galkii UNISOM, taasoo keentay in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, dalal kale oo reer galbeed ah ciidamadooda iyana kala baxzeen, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay ay ku soo hareen Ciidamo ka socda dalalka 3aad ee aduunka.

Qaramada Midoobey ayaa xilligaas u heysatay Jen. Maxamed Faarax Ceydiid inuu ka dambeeyay weerar ay ku dhinteen 24-askari ka tirsan Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka socday dalka Pakistan, iyadoo kadib soo saartay amar lagu soo xirayo, isla markaana madaxiisa saartay lacag dhan 25-kun oo doolarka Mareykanka.

 

Weerarka ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Marxuum Jen. Ceydiid ayaa ka dambeysay markii Sirdoonka UNISOM ay heleen in guri ku yaala Bakaaraha ay ku shirayeen dad uu ku jiray Jen. Ceydiid, taasna ay keentay weerarka ka fiirsasho la’aanta ahaa ee Mareykanka ku qaadeen.

 

Maleeshiyaadkii ku sugnaa aagaas oo aad u hubeysnaa ayaa dagaal adag la galay Ciidamada Mareykanka oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyadoo halkaas lagu soo riday Diyaarada Black Hawk Down, halka 18-askari lagu dilay, kuwaasoo meydadkooda lagu jiid jiiday.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ayaa ku guuldareystay inay soo qabtaan Jen. Maxamed Faarax Ceydiid, iyadoo maalintii xigtay weerarkaas ay dhacday dabaal degyo waa weyn oo ay sameeynayeen taageerayaashii Jen. Ceydiid.

 

Cali Muuse Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha Wakaalada Wararka ee AFP oo dhacdadaas goob joog u ahaa ayaa sheegay in 3-dii October sanadkii 1993-dii ay aheyd maalin dad fara badan oo Soomaaliyeed ay dhinteen.

Cali Muuse ayaa sheegay in weerarkaas uu wax ka bedelay wajigii howl galkii UNISOM, ayna ka dambeysay in Mareykanka ciidamadiisa la baxo.

Diyaaradii Mareykanka looga soo riday Magaalada Muqdisho 3-dii October 1993 ee Black Hawk Down ayaa laga sameeyay Film caanka ahaa ee loogu magac daray Black Hawk Down.

 

Mareykanka ayaa tan iyo sanadkaas siyaasadihiisa aad uga fiirsanayay, iyadoo markii uu dhacay weerarkaas kadib xasuuqii Rwanda oo uusan fara gelin ku sameyn, taas ayaa la dhihi karaa inay sababtay guuldaradii uu kala kulmay Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By C/casiis Golf