Barre Hiiraale oo ku dhawaaqay inuusan kaqeybgaleyn shirka Jubbooyinka ee Dowladda Muqdisho kuqabanayso

image

Iyadoo maalmo kooban ay inaga xigaan waqtiga Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ku qabaneyso shirka ku saabsan arimaha Jubbooyinka ayaa maamulka Barre Hiiraale wuxuu ku dhawaaqay inaysan kaqeybgaleyn shirka Muqdisho.

Afhayeenka Barre Aadan Shire Barre Hiiraale Xasan Qaasim Warsame, ayaa warbaahinta usheegay in hadii ay yihiin Maamulka Barre Hiiraale ay qaadaceen kaqeybgalka shirka Muqdisho go’aan cadna ay ka qaateen.

Sababta ay udiideen kaqeybgalka shirka Muqdisho ayaa wuxuu ku sifeeyay inay tahay go’aan xumada Dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama shirka labo mar uu baaqday sidaasi awgeedna go’aan ay uga qaateen.

“Shirkan waxaa lagu balamay 5-ta Bishan inuu dhaco wuu baaqday hadana waxaa lagu balamay inuu dhaco 21-Bishan wuu baaqday, markaas ayaan go’aan cad ka qaadanay inaanan kaqeybgaleyn”Ayuu yidhi Xasan Qaasim Warsame Afhayeenka Barre Hiiraale.

Waqtiga hada la joogo ayuu ku tilmaamay sarkaalkaan inay tahay xilligii ay weerari lahaayeen Magaalada Kismaayo oo sida uu sheegay ciidanka ONLF iyo kuwa Kenya halkaasi ay ka saari lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jahwareersan xaaladaha Jubbooyinka, iyadoo 2-da Bishan soo socota Muqdisho uu ka furmayo shir looga hadlayo arimaha Jubbooyinka, inkastoo saraakiisha Barre ay ku dhawaaqeen inaysan kaqeybgaleyn shirkaasi.

Majirto dhanka Dowladda Soomaaliya wax war ah oo kasoo baxay, kaasi oo ku aadan diidmada maamulka Barre Hiiraale ay diideen kaqeybgalka shirka dib uheshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho lagu qabanayo.

Salaanmedia/Mogdisho