Beesha Gabooye Oo Xaflad U Sameesay Xubno Ciidammada Kaga Jiray Oo Derajooyin Qaatay

Oct 3,2013 Hargaysa(SM) Waxgaradka beesha Gabooye ayaa maanta xaflad u sameeyay xubno ka mid ah ciidammadda noocyadooda kala duwan oo ka soo jeeda beeshooda oo qaatay derajooyinka ciidammadda qalabka sida ee Somaliland dhawaan la siiyay.

Xaflad loo sameeyay xubnaha ciidammadda ee derajada ka qaatay beesha Gabooye oo maanta lagu qabtay Huteelka Xaraf ee magaaladda Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Gaashaan-dhiga, Xildhibaano, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan.

Boqorka beesha Gabooye Boqor Ugaas Iimaan Axmed, ayaa sheegay inay xukuumadda uga mahad celinayaan derajooyinka ciidammadda ee la hirgeliyay iyo sida xubnihii beeshooda kaga jiray ciidamaddu ay u qaateen mid kastaaba derajadii uu mudnaa, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xafladan aanu maanta isugu nimi waa mahad-naqa aanu uga mahad-celinayno masuuliyiinta iska xilsaartay in si cadaalad ah ugu qaybiyaan ciidamada kala duwan derajooyinka markaas ka boqor ahaan waxaan hambalyo u dirayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay oo ugu horeeyo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland iyo guud ahaanba xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.”

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay go’aansadeen inay xukuumadda uga mahad celiyaan derajooyinka ciidammadda dalka la siiyay guud ahaan gaar ahaanna, kuwa beeshooda, waxaanu yidhi “Derajada ka sakow waxa cad kollay bulshadan dhibaato dhaqan ayaa ku dhacday oo cabashadooda la arkayey,waxa maanta noo sharaf ah haddii aanu nahay beel-waynta Gabooye intaan meel isugu nimaadno inaanu ka mahad celino derajooyinkii lagu taxay ciidammada ka soo jeeda beesha, sharaf ayay noo tahay tusaale muuqda waxa ay u tahay beelaha Somaliland ku dhaqan.”

“Waanu ognahay xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inta ay joogtay isbedal badan ayaa dhacay laakiin maanta waxa gun noqon doona oo ay gunimadu raaci doontaa cid wixii loo qabtay sheegi wayda ee iska indho tirta,waxa maanta gob noqon doon cid sida aanu u aqbalnay derajada u aqbasha,”ayuu yidhi la taliyaha Madaxweynaha oo isna ka soo jeeda beeshaasi.

Md. Barkhad Jaamac waxa uu ammaanay ciidammadda dalka ee u taagan ilaalinta nabadgelyadda iyo difaaca waddanka, waxaanu yidhi “Waxa maanta noo sharaf ah oo si wanaagsan aan u ammaanayo gaar ahaan sida amniga qaranka u xilsaaran oo habeen iyo maalinba heegan u ah in ay dhulka ka dhiciyaan cadow kasta oo Somaliland ku soo duula ayaa maanta sharaf iyo maamuus leh.”

Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay gunaanadkii xafladaasi ayaa beesha Gabooye uga mahad celiyay tallaabadda waddaniyada leh ee ay ku taageereen hirgelintii derajooyinka, waxaanu tilmaamay in beelaha kale ee Somaliland-na looga fadhiyo inay iimaansadaan cid walba wixii ay ka heshay derajooyinkaasi.

Salaanmedia/ Hargaysa Office

Comments are closed