Cali-Gurey Oo Sheegay Inaan shacabka Runta Looga Sheegin Heshiiskii Turkiga

Oct 10, 2013 Hargeysa(SM)-Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey),ayaa xukuumada ku eedeeyay in aanay heshiiskii hawada runta uga sheegin shacbiga Somaliland,isla markaasna wadahadalada Somaliya lala galaayo ku tilmaamay kuwo aan midho dhal laga sugayn maadama oo aan laysku tanaasulayn.

Waxa uu sidan ku sheegay Mujaahid Cali Guray waraysi mar uu weriye ka tirsan Geeska Afrika su’aalay sida uu u arko heshiiskii Turkiga oo ay dawladda Somaliya u muuqato inay ka baxday, waxaana isaga oo arinta hawada ka hadlaaya uu yidhi ugu horayntii “Waxii loo sheegay reer Somaliland ee heshiiskaas hawada ku saabsanaa waxa arinkaas been ka sheegayay ciddii reer Somaliland matalaysay oo wasiirka madaxtooyadu uu kaw ka yahay,waxaanay Somaliya la gaadhay heshiis qaramada midoobay sida kani uu hadda sheegayo.Waxa inaga laynoo sheegay in dhaqaalaha hawada la qaybsan doono sida loo qaybsan doonana laga wada hadlaayo halka ay wax ka si yihiina waa heshiiskaas hore ee aynu la galnay oo aan dadka runta loo sheegin.”

Sida oo kale waxa uu mujaahid Cali Guray ku tilaamay kuwo aan midho dhal noqonayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya“Wada hadalkani waligood ma noqonayaan midho dhal,rajana lagama qabo in laysku tanaasulo,haddii uu gaadhi karo shacbiga Somaliland ayaa ugu danbaynta xaq u leh inay ka tashadaan mustaqbalkooda taas oo aan iyadu gor gortan gali karin, waxaana laga yaabaa inay taasi noqoto afti dadka Somaliland la waydiiyo laakiin ma jirto si kale oo laysku afganaayo,wax lagu heshiinaayo iyo si laysugu tanaasulayaa toona.”

Salaanmedoa/Hargeysa Office

Geeska Afrika