Daawo Muqaal : Madaxweyne Siilaanyo sidii Caasimadda Somaliland ee Hargaysa loogu soo dhaweeyey.

Oct 10, 2013 Hargeysa(SM) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay dawladda Turkiga ku qanciyeen in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax banaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay Madaarka Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal toban maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga.


“Waxaannu aad iyo aad ku mahadinaynaa oo idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee naloo soo dhaweeyay. Waxaanu marti-qaad ugu maqnayn dalka Turkiga oo ay innaga dhaxayso saaxiibtinimo balaadhan iyo taariikh.dalkaasi dadkii aanu kula kulanay waxa ugu mudnaa Raysal wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo Wasiirradiisa. Waxaynu nahay labada dal oo taariikhi ka dhaxayso oo arrimo badan wada qabsan kara.”


“Waxaanu ku qancinay Turkiga In Innaga (Somaliland) iyo Soomaaliya aanu nahay laba dal oo walaalo ah, hase yeeshee madax-banaanidayada iyo gooni isu taagayo aanu ahayn wax aanu cid la wadaagi karno ama cid ka tallo gelin karno ee ay tahay madax-banaani buuxda. Aanu is aragno oo aanu meel kasta kula kulano hase yeeshee ay qaddiyadayadu tahay madax banaani buuxda,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.