Daawo Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Qaabilay Madaxweynaha Somaliland & Nuxurka Qoddobadii Ay Ka Wada-hadleen

Oct 2, 2013 Istanbul(SM) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku tagey dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa si meeqaam sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay labada dhinac wada yeesheen kulan qaatay muddo saacaddo ah.

Kulanka weftiga Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayay kaga wada-hadleen qodobo badan oo la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal iyo sidii Turkigu uga caawin lahaa Somaliland dhinacyada horumarinta bulshadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Salaanmedia/London