Dowladda Somalia Oo Ka Digtay Dhibaatada Nololeed Ee Ka Dhalan Karta Xayiraadda Uu Soo Rogay Bangiga Barclays

Barclay bank

Oct 11,2013 London(SM)Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay dhibaatada nolosheed ee ka dhalan karta xayiraadda uu bangiga Barclays ee dalka Britain uu kusoo rogay xawaaladaha Soomaalida, taas oo sheegay in dadka Soomaalida ahi ay inta badan ku tiirsan yihiin lacagaha ay u soo diraan ehelladooda dibadaha ku nool sida Yurub iyo waqooyiga Mareykanka. “Haddii Bangiyadu ay joojiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen xawaaladaha lagu diro lacagaha taasi waxay Soomaalida ku keenaysaa masiibo, waayo dalka Somalia waxa uu hadda ka baxayaa colaadihii sokeeye, waxaana uu ku socdaa jidkii uu dib ugu dhismi lahaa,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo ku sugan magaalada London.

Wasiirka oo ayaa intaasi ku daray in Somalia ay ku hawlan tahay habkii ay dib ugu soo dhisi lahayd ilihii dhaqaalaha oo ay bangiyadu ku jiraan, wuxuuna xusay in aan la xallin dhibaatada jirta haddii aan la ogaan dhibaatada jirta. Lacagaha dibaddaha laga soo diro ayaa waxay u dhexeeya hal illaa laba bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaana sannadihii lasoo dhaafay ay bankiyada dalka Maraykanka iyo kuwa Britain ay joojiyeen xidhiidhkii ay la lahaayeen xawaaladaha lacagaha lasoo mariyo. Bangiga Barclays ayaa noqday kii ugu dambeeyay ee joojiya xidhiidhkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida, kaddib markii uu sheegay inuu baqdin ka qabo in lacagaha qaarkood ay gacanta u galaan kooxaha ka dagalaama Soomaaliya sida Al-shabaab.

Salaanmedia/Hargaysa