Itoobiya Oo Soo Xidhay Xafiiskeedii Garowe Iyo Fiisayaashii Basaaboor Somaliga Oo Hargeysa Loo Soo wareejiyay

Oct 2, 2013 Hargeysa (SM) warar isa soo taraya oo ka soo baxaya qaabkii Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa sheegaya in ay sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay bilowday in ay Fiisayaal ku bixiso baasaaboorka E-passport-ka Somaliya kaasoo aanay hore u bixin jirin.

Sadexdii Maalmood ee u danbeeyay waxa Xarunta Qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay hargeysa buux dhaafiyay dad sita Baasaaboorkaasi sida ay waaheen u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloolay dhaqdhaqaaqa Dadkaasi, waxaanay ku sababeeyeen ogolaanshaha ay Qunsuliyaddu ogolaatay in ay Baasaaboorka Somaliya Fiise ka siiso Hargeysa.

Ilo wareedyaddu waxa ay ku sababeeyeen Ogolaanshaha Qunsuliyadda Hargeysa ay ku bixinayso Fiisaha baasaaboor Somaliga Qunsulkii Itoobiya u fadhiyay Maamul Goboleedka Puntland oo u soo wareegay hargeysa, kaasoo ku bixinaya Hargeysa gudaheeda Fiisayaasha Passport-ka Somaliya.

Bixinta ay Qunsuliyaddu Fiisayaasha ku siinayso Passport-ka Somaliya ayaa u muuqda inuu ka dhex abuuray Qunsuliyadda iyo Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland dareen ah in ay Somaliland diidan tahay talaabadan cusub, waxaanay warar dheeraad ah oo Waaheen helaysaa sheegayaan in ay Cabsi wayn ka qabaan in Amaanku wiiqmo maadaama aanay Somaliland ogolayn Passport-ka Somaliya ee E-passport-ka.

Ma jiro war cad oo labada dhinac ka soo baxay oo ay Qunsuliyadduna ku ogolaatay ama ku sharaxday Nidaamka cusub ee ay ku bixinayso Fiisayaashan Passport-ka Somaliya, dhinaca Somaliland-na ilaa hada ma jiro wax talaabo ah oo muuqda oo ay arintan ka qaaday, hase yeeshee waxa soo baxaya warar tibaaxaya in xafiiska Socdaalka Somaliland ee Wajaale qab qabtay dad dhinaca Somaliland ka baxayay oo sitay Baasaabooro Somaliya ah oo Fiisayaal ka qaatay Qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Mr: Berha oo Wargeyska waaheen xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa u sheegay inaanay jirin Fiisayaal ay Baasaaboor Somaliga siinayaan, waxaanu ku dooday Xafiiskoodu kaliya inuu ku kooban yahay Baasaaboor Somaliland-ka.

Sidoo kale, wargeyska Waaheen oo saaka booqday Xafiiska Qunsulka ayaa kula kulmay barxada hore dhalinyaro farabadan iyo Dad kale oo u socdaali lahaa Itoobiya kuwaas oo ka cabanaya in culays farabadani ka jiro bixintii Fiisayaasha, waxaanay qaarkood ku doodeen in ay safaaradu soo kordhisay in ay Fiisayaal siiso baasaaboorka Dawladda Federalka ah ee Somaliya taasoo keentay in dadka Fiisa doonka ahi bataan.

Mid ka mid ah dhalinyarada Fiise doonka ah oo aan weydiinay halka uu ka yimi iyo baasaaboorka uu sito ayaa Waaheen u xaqiijiyay in uu ka yimi Garowe isla markaana uu sito baasaaboor Somali, waxaanu xusay in safaaradii Garowe arrimo dhinaca Amniga ah ay Itoobiya usoo xidhay isla markaana ay Ogeysiiyeen Hargeysa in ay usoo doontaan Fiisayaasha ay ku galayaan Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u maarayn jiray hawlaha shaqo ee ay qabanyaan isla markaana ula socon jiray dhaqdhaqaaqa dhinac xuduudka labada Dal si isku mid ah taasoo keentay in ay labada Dalba ku qanacsanaayeen ilaalinta iyo hubinta dadka isaga gudbaya, basle arrintani waxa ay Somaliland ku soo kordhisay shaki ah in ay ugu soo dhex dhuuman karaan dad aanay aqoon u lahayn oo xorriyad u hela in ay ka samayn karaan dhaqdhaqaaq dhaawici kara amaanka labada dal gaar ahaana ka Somaliland oo ka feejigan tabaha iyo Xeeladaha kooxaha kacdoonada ka wada Mandaqada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday arrintan, waxaanu ku af-gobaadsaday haddii ay jirto in ay kala xidhiidhi doonaan Qunsuliyadda isla markaana wax ka qaban doonaan.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa isna ka gaabsaday inuu macluumaad ka bixiyo arrintan, waxaanu xusay wali in ay ku jiraan baadhitaan la xidhiidha dhabnimada Warkan.

Salaanmedia/Hargeysa Office
Waaheen