Jaaliyada Somaliland Ee Malaysia Oo Shahaado Sharaf Gudoon siiyay Maareeyaha SLNTV

Maareeyaha TV-ga qarankaHARGEYSA (SM)-Jaaliyadda reer Somaliland ee wadanka Malaysia iyo ardayda wax ka barta dalkaasi ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, oo siday sheegeen ku mutaystay wax-qabad iyo dedaal uu muujiyay sanad iyo dheeraadka uu joogay xafiiska.

Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland Malaysia Shaafici Axmed Cali iyo xubno kale oo ka tirsan jaaliyada iyo ardayda wax kabarta dalka maleesiya oo xiligan ku sugan caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inay shahaado sharaftani ka dhalatay qiimayn ay ku sameeyeen dedaalka iyo wax-qabadka uu SLNTV ku soo kordhiyay Maareeye Khadar Xasan Cali Gaas.

Masuuliyiinta jaaliyaddu waxay sheegeen in TV-ga qaranku uu mudadii uu joogay maareeyahani uu ku tallaabsaday horumar isa soo taraya isla markaana la gaadhsiiyay in adduunka oo dhan laga daawado isla markaana wax laga bedelay tayada wararka iyo barnaamijyadda ka baxa Muuq-baahiyaha qaranka.

Maareeyaha Guud ee TV-ga Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas, oo ka hadlay munaasibaddii lagu gudoon siinayay shahaado sharaftan ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo jaaliyadda Somaliland ee dalka Malaysia shahaadadan ay u garteen, waxaanu balan qaaday inay sii wado doonaan juhdiga ay ugu jiraan inay ku horumariyaan TV-ga qaranka si uu iskugu xidho dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida.

Salaanmedia/Hargaysa