“Laascaanood Meeshii Ugu Xumayd Bay Maraysaa, Soolna Casaabad Baa Qabsatay, Aniguna Waxaan Go’aansaday Inaan S/Land Ka Tahriibo Oo Maraykan Iyo UK Aan Magan-Galyo Waydiisto

“Laascaanood Meeshii Ugu Xumayd Bay Maraysaa, Soolna Casaabad Baa Qabsatay, Aniguna Waxaan Go’aansaday Inaan S/Land Ka Tahriibo Oo Maraykan Iyo UK Aan Magan-Galyo Waydiisto”

10,

Oct 30,2013 Hargaysa (SM) Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ugu jira gobolka Sool ayaa sheegay in magaalada Laascaanood uu ku habsaday dib u dhac balaadhan oo la xidhiidha adeegyadii bulshada sida Biyo la’aan, Jaamacado la’aan iyo Cusbitaalada oo uu sheegay inaanay gabi ahaanba ka jirin, waxaanu tilmaamay in casaabadi kooto ku haysato maamulka gobolka Sool iyo arrimaha siyaasadeed ee deegaanadaasi ku xeeran. Md C/qaadir Indho waxa kale oo uu sheegay ilaa inta casaabadaasi laga xoraynayo gobolka Sool aanay jirin wax horumar ah oo laga fulin karaa. Xildhibaanku waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inuu go’aan ku gaadhay inuu Somaliland uga tahriibo dalalka dibadaha, gaar ahaana uu carabka ku dhuftay inuu dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska magan galyo waydiisan doono.

Mudane C/qaadir Indho oo shalay warbaahinta u warmay isagoo ku sugan xarunta golahooda ayaa ugu horayn isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaan u arkaa in meeshii tacabka badani galay ay meel xun marayso biyo la’aan, caafimaad la’aan, Jaamacado la’aan, iskuulo la’aan, waxaanan hada ka baqayaa inaan dalka Somaliland iskaga tago anigoo lix jira ayaan diiday inaan dalka Maraykanka u dhoofo, anigoo 60 jir ah inaan dalalka dibadaha magan galyo u doonto ayaan ka baqayaa” Xildhibaanka mar aanu waydiinay waxyaalaha sababay horumar la’aanta gobolka Sool ee uu ka dayrinayo waxa uu yidhi “ Casaabad baa haysata gobolka Sool, casaabadaasi oo Ilaahay ka furfuro gobolka Sool mooyaane dawlad wax ka qaban karaysaa ma jirto, hay’adana waxba ka qaban kari maayaan.

Aniguna waxaa kolay ii qorshaysan inaan dalalka dibadaha u tahriibo tahriib baanan qalqaashanaya inaan dalalka shisheeye magan galyo waydiisto. Magaalada Laascaanoodna dib uga hadli maayo , wax haloo qabtana odhan maayo” Mar aanu waydiinay maadaama uu ka mid yahay xubnaha golaha xukuumada ku dhaw-dhaw inuu madaxweynaha u gudbiyay cabashooyinkaa iyo in kale waxa uu yidhi “Maxaanu madaxweynaha u gudbinaa boqol jeer baanu warbaahinta kaga hadalnay arrimahaasi, hadal iyo murti maraykanka iyo Ingiriiska ayuun baan midkood magan galyo waydiinayaa” Mar aanu su’aalnay inuu cadeeyo casaabada gobolka Sool uu sheegay inay haysato cida ay yihiin waxa uu yidhi “Waar ummadu way garanaysaa casaabada haysta Sool waa kuwa caasimada Hargeysa ka shaqeeya ee cid waliba garanayso”.

Salaanmedia/Hargaysa Office

Source Haatuf