Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Turkiga ku qanciyeen inuu u aqoonsado dal madax banaan

image

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa,kadib safar uu maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay Turkiga ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu kala soo hadlay dowladda Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Kuxigeenkiisa, isagoo tilmaamay inuu ku qanciyay Turkiga in Somaliland u aqoonsato dal madax banaan.

“Waxaa Turkiga kula soo kulanay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo kuxigeenkiisa waxaa ku qancinay in anaga iyo Soomaaliya inaan nahay labo dal oo walaalo an, qadiyada gooni isu taaga iyo madax banaanida ay tahay wax lama taabtaan ah”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo ayaa sheegay in martiqaad u fidiyeen in Somaliland uu booqasho ku yimaado waqti munaasib ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga, isagoo xusay inuu dhowaan imaan doono magaalada Hargeysa.

“Waxaan martiqaad u fidinay dowladda Turkiga in halkan wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Bekir Bozdag ay booqasho ku yimaadaan, halkan ay Xafiis ka furtaan”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dowladda Turkiga ayaa garwadeen ka ah wada hadalo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo bisha November lagu wado inuu furmo wajiga saddexaad ee wada hadalada labada dhinac u dhaxeeya.

Salaanmedia/ Hargaysa