Safiirka Somaliland Ee Waddankan England Iyo Guddida Waddada Ceerigaaboo ,Burco Udhexaysa Oo Kulan Ku Yeeshay Bariga London.

Safiirka Somaliland Ee Waddankan England Iyo Guddida Waddada Ceerigaaboo ,Burco Udhexaysa Oo Kulan Ku Yeeshay Bariga London.

download

Maalintii Sabtida 26ka oktoober oo shalay  ku beegnayd ayaa Safiirka Somaaliland u jooga Jamhuuriyada Somaaliland mudane Cali Aadan Cawaale uu kulan wada tashi ah la yeeshay gudida Waddada Ceerigaabo iyo Burco udhexaysa oo beryahanba ku hawlanaa sidii loo dardar gelinlahaa oo looga midha dhalinlahaa doonista iyo siday ugu diyaargaroobayan shacabka dega goboladdan oo usoo jeeda samayntiisa iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland, oo beryahan dambe utafaxaytey dacaytirka wadooyinka, iyagoo ku taamaya sidi looga bixilahaa dhibaatooyinka had iyo goor ku timaada dadka ku safra iyo gaadidkoodaba iyo isusocodka oo aad uliita islamarkaa  loo soo agaasimi lahaa isu imaatin baaxad leh oo dhaqaale loogu ururiyo Jidkan xudinta ah.

Kasoo  gudihii dalka siweyn looga diyaar garoobey dawlad iyo shacabba, hadaba gudidan isu taagtey Waddadan oo uu hogaaminayo mayorkii hore ee degmaddan Towerhamlet ee bariga London, ahna safiirkii hore ee jamhuuriyada Somliland Axmed Cumar Aadan ahna nin aqoon iyo waaya aragnimo dheer uleh dhinaca xagga horuumarka iyo samafalka bulshada.

safiirka

Gudidan oo markii hore aaminsaneyd iney ku meelgaadh yihiin ilaa inta shirweynu leysugu imanayo oo halkaas lagu kordhindoono hadii cid aan hawshan looga maarmeyni ay ka maqan tahay, hadaba gudida oo muddadii ay jirtey xawli ku soconayey wax qabadkoodu waxay ka koobneyd, waayeel, dhalinyaro iyo garbka haweenka ah ayaa haddan iskaashi lasameysey dad kale oo reer Somaliland ah oo aad ufir fircoon oo ka samysay degaanada kale ee dalkan, gudidan waxa si rasmi ah u ansixiyey Wasirka madaxtooyada Xirs Cali X Xasan oo dhowaan yimi dalkan England talooyin badan oo waxku ool ahna ku kordhiyey.

Safiirka Cali Aadan Cawale oo wehelinayo Ugaas Haaruun oo ka mid ah madaxdhaqameedka Soaliland iyo xubnahan gudida ka socotey oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenkisu waxay isla falanqeeyeen si aad uqoto dheer sidii hawshan loomaareyn lahaa loona hirgelin lahaa iyadoo leysla kaashanayo qaybaha bulshadu ka kooban tahay, safiirku wuxuu ballan qaadey inuu iyaga lashaqaynayo wuxuna ku talo bixiyey shakhsiyaad waayeel iyo madaxdhaqmeed u badan in ay gudida lagu sookordhiyo si ay ula hawl galaan.

Amaan Allah.

London.

Keyse Siciid AxmedQaareweyne].