Shirkadda Tamarta Sterling oo ku soo Biirtay Baadhista Shidaalka ee Blooga Oodweyne

Maxamed Yuusuf

London(SM) War maanta laga soo saaray suuqa ganacsiga saamiyada ee London ayaa shaaca ka qaaday in shirkada tamarta Sterling ay heshiis la gashay shirkadda Petrosoma,heshiiskaas oo shirkadda Sterling u ogolaanaya inay hesho 10% wada shaqaynta iskaashiga shirkadaha Genel,Jacka, Petrosoma ee Balooga Oodweyne.

Heshiiskan ayaa ku waajibinaya shirkada Sterling inay bixiso lacag dhan laba milyan oo doolar,arintan oo u ogolaanaysa Petrosoma inay ku daboosho qayb ka mida maal gelintii ay hore ugu samaysay Oodweyne Bloog,halka lacago kale oo gaadhaya sideed milyan oo doolar la dhigi doono keliya marka la hirgeliyo isla markaana la dhamays tiro hawlaha sahaminta dhulka iyo marka ugu horaysa hadii la sameeyo qoditaanka ceel sahameed keliya,Lacagta shuruuda ah ayaa loo isticmaali doonaa in Petrosoma ku maal gelin doonto saamigeeda marka loo gudbo wejiga labaad ee sahanka iyo qoditaanka kharashka ku baxaya.

Shirkadda Tamarta Sterling ayaa leh khibrad balaadhan oo dhinaca shidaal qodista ee Afrika,waxayna hada rurqsado shidaal qodis ah ka haystaa dalalka Madagascar, Cameroon iyo Mauritania .

Philp Frank waa agaasimaha sahaminta iyo baadhista ee shirkadda Sterling ,wuxu xili hore shaqadiisa ka bilaabay shirkadda BP ilaa uu ka gaadhay kaaliye kooxeed sare ee dhinaca cilmiga joolajiga,sidoo kale wuxuu qayb ka mida caruurnimadiisii ku soo qaatay somaliland,halkaas oo aabihii shaqaale ka ahaa maxmiyadii ingiriiska.

Gudoomiyaha Shirkadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Cali oo heshiiskan wax laga weydiiyey ayaa ku tilmaamay mid yimi xili haboon[Heshiiska Sterling wuxuu yimi waqti u haboon shirkadda iyo somalilandba,waayo wuxuu cadaynayaa suurta galnimada in saliid la soo saaro ay ku arkayaan shirkadaha batroolku]ayuu yidhi Maxamed yuusuf.

Salaanmedia/Hargeysa