Wararkii Ugu Dambeyay Mesut Ozil, Aaron Ramsey & Hadii Ay Safan Karaan Kulanka Norwich City.

Ozil & Ramsey hopeful of winning fitness battles for Norwich clash

Kooxda Kubada Cagta Arsenal ayaa rajeyneysa iney dib u hesho kubad sameeyahooda Mesut Ozil kaas oo dhaawac aan la garaneyn heerka uu gaarsiisan yahay uu kasoo gaaray Kulankii Xulkiisa Jarmalka uu 5-3 ku garaacay dhigiisa Sweden.

Sida ay cadeysay Goal.com, Arsenal ay dib u heli doonto Mesut Ozil kulanka ciyaareedka sabtiga ee Norwich xili Wenger uu walwal xoogan ka qabay in xidigaan uu mudo garoomada ka maqnaado.

Goal.com ayaa sheegeysa in Mesut Ozil uu dib ugu laabtay London xili dhaawac uu muruqa kasoo gaaray isagoo diyaar u noqon doona kulanka Norwih City.

Sidoo kale Kabtanka Xulka Wales Aaron Ramsey ayaa isna dhaawac uu kasoo gaaray kulankii xulkiisa Wales uu 1-0 ku garaacay Croatia kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Aduunka wadamada qaarada yurub.

Si Kastaba Labadaan xidig ayaa dib ugu soo laabanaya Wiilasha Wenger kuwaas oo sabtiga Emirates kusoo dhaweyn doonta Kooxda Norwich City kulan ka tirsan Premier League.

 

Sidoo kale Santi Cazorla oo dhawaanahaan dhaawac ku maqnaa ayaa ku jira liiska xidigaha dib ugu soo laabanaya kulanka Norwich City xili garabka duula ee xulka England Theo Walcott uu diyaar noqon doonin waxaana la filayaa kulanka Borrusia Dortmund ee Champions League oo Talaadada Soo Aadan La Ciyaari doono.