XUBNAHA SARE EE XISBIGA WADDANI UK, XUBNO KA TIRSAN GUDIGA FULINTA IYO MADAXDA LAAMAHA GOBOLADA OO KULAN DEGDEG AH KU YEESHAY MAGAALADA BIRMINGHAM

image

XUBNAHA SARE EE XISBIGA WADDANI UK, XUBNO KA TIRSAN GUDIGA FULINTA IYO MADAXDA LAAMAHA GOBOLADA OO KULAN DEGDEG AH KU YEESHAY MAGAALADA BIRMINGHAM.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen badiba Maamulka Xisbiga ee UK iyo Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta Heer Qaran iyo Madaxda Laamaha ayaa ka dhacay magaalada Birmingham ee Waddanka Ingriiska.  Kulankan oo ahaa mid si degdega xubnuhu isu yeedheen ayaa muhiimadiisa ugu wayni ahayd ku kala warqaadashada Xubnaha, Xaalada Xisbiga iyo Guud ahaanba Xaalada Waddankeenii hooyo.

Xubnahani waxay hoosta ka xariiqeen in Wadankeenii maanta marayo meel aad u adag una baahan yahay Samatabixin degdega taasoo cida laga sugayaa tahay Xisbiga Waddani,  loona baahan yahay sidii loogu Qalab qaadan lahaa in Xukuumadan Kulmiye looga leexin lahaa Shacabka S/land ee xiligan xaaladooda Niyadeed dhulka lala dhacay. Musuq-maasaqii iyo Sharci daradii umadda la doonayey in laga ilaaliyo ayaa noqday xiligan wax lagu faano.

Kulankan ayaa sidoo kale la isla qaatay dardar gelinta Xisbiga laamihiisa UK, iyadoo la isla qaatay xiliga lagu soo dhamays-tirayo Laamaha dhiman iyo sidii loo qaban lahaa Shirweynihii Xisbiga ee UK, oo iyadana la isla qaatay inaysan ka dambaynin 23rd November 2013.
Waxaa kaloo shirkani diirada saaray soo dhoweynta Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi ” Ciro ” oo hawlo shaqo ku iman doona Waddankan UK bisha inagu soo fool leh hadii Allaha Awooda Lihi Ogolaado.

Shirkan oo dadkii isagu yimid kala kulmeen weji wanaagsan iyo taabasho waxqabad midho dhal noqda, ayaa lagu magacaabay gudi loo xilsaaray Qabashada iyo Qaban-qaabada Shiweynihii Xisbiga Laantiisa UK iyo soo dhoweynta Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi ” Ciro “. kuwaas oo loo doortay inay noqdaan sidan:

1) Mubaarak Hilaac Gudoomiye
2) A/rahman Amiin Xubin
3) Mohamud Rage Xubin
4) Mohamed Ali Abdi Xubin
5) Farduus Hamarshol Xubin
6) Hussein Asad Xubin
7) Qasim Saleeban Xubin
8) Axmed Hassan Xubin
9) A/llahi Dhegaweyne Xubin
10) Yusuf Sadexle Xubin
11) Nagiib Osman Xubin.

Xubnahani waxay ka codsanayaan Dhamaan Taageerayaasha Xisbigu inay kala qayb qaataan habsami u qabsoomida hawlahan loo xil saaray. Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
+447572609561
London.