Abdiraxman Ali Ubaxle oo khalad aan laga dulqadanayn ku tilmaamay Khaladka uu Universal TV ka galay Fanaanada Qaliga ah ee Nimco Degan una balan qaday inuu ku garab istaagayo dacwad kasta oo ay la tiigsanayso Universal TV.‏

Abdiraxman Ali Ubaxle oo khalad aan laga dulqadanayn ku tilmaamay Khaladka uu Universal TV ka galay Fanaanada Qaliga ah ee Nimco Degan una balan qaday inuu ku garab istaagayo dacwad kasta oo ay la tiigsanayso Universal TV.‏

563643_10152715410905599_1053640549_n
Waxaan aad uga xumahay in Khalad Cunsurtiyadaysan laga galay Fanaanad nagu qaaliya oo meel weyn kaga taala Bulshada Somaliland waa Nimco Degan oo ah Fanaanad qadarin iyo xurmo ku leh Wadanka Somaliland iyo meel kasta oo afka Somaliga lagaga hadlo isla markaana ah muwaadinad aan marnaba ka gaban mowqifka qarankeeda Somaliland, hadaba iyadoo aanu ognahay in uu Tvga Universal marar badan khalad ka galay wadanka Somaliland hadana wuxuu sheegtaa inuu dhex u yahay umada afka Somaliga ku hadasha oo uu yahay TV ka madax banaan arimo Cunsuriyadeed iyo Siyaasadeed oo ganacsi ah.
Waxaa dhacdadni cadaynaysaa inuu TVga Universal si cad uga soo horjeedo Qaranimada Somaliland sidaa dartereed waa in bulshada Somaliland meel uga soo wada jeesataa oo aan qadiyada Somaliland laga dooran Shilimaad uu Mushahar u Bixiyo, waxaa cad in Nimco Degan aanay marna ka gabanin jiritaanka Dalkeeda Somaliland taasina ay tahay sababta ay Masuuliyiinta UniversalTv shaqada uga fadhiisiyeen markii ay ku shaqayn weyday Siyaasada Somaliland diidka ah ee Universal TV.
Waxaan Nimco Degan u balan qaadaynaa in aanaan waxba ka hagraneynin Dacwada ay la tiigsanayso Tvga Universal isla markaana aanu ka xunahay sida loogu xad gudbay magaceeda iyo milgeheedaba, dhinaca kalena waxaanu wasaarada warfaafinta Somaliland ka codsanaynaa inay ka fiirsato ruqsada warbaahineed ee uu Universla TV kaga hawl galo Somaliland.
Abdiraxman Ali Ubxle
Gud. Qurbajooga Somaliland EU
Birmingham Uk