AMISOM Oo Sheegtay Inay Gacan Ka Gaysan Doonaan Khilaafka Soo Kala Dhex-galay Madaxda U Saraysa Dalka Soomaaliya.

thNov 17,2013 Muqdisho(SM) – Afhayeenka guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin khilaafka siyaasadeed ee soo dhex-galay madaxda dowladda Soomaaliya.

Col. Xumad ayaa sheegay inat gacan ka geysan doonaan sidii lagu xalin lahaa khilaafkan, isagoo sheegay in madaxda Somalia ay ugu baaqayaan inuusan wanaagsanayn muran oo uu sababayo dib u dhac ku yimaada horummaradii la gaaray.

“Waan ka xunnahay muranka soo dhexgalay madaxda Dowlada Soomaaliya, AMISOM-na way ka hortagaynaa khilaafyada noocan oo kale ah si xal looga gaaro, kulammo arintaas ku saabsan ayaana maanta ka dhici doona Muqdisho” ayuu yiri Col. Xumad.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in maanta uu dhici doono is-arag uu la yeelan doono madaxweyaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, kaasoo labada mas’uul lagu dhex-dhexaadiyo.

“Inagu doorkeena waa inaan labada mas’uul u sheegno aragtideena, waana filayaa in muranka xal laga gaari doono, waxaana leenahay muranku wuxuu sababi karaa oo keliya dib u dhac ku yimaada horumaradii horay loo gaaray,” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Muranka u dhexeeya madaxdadowladda Soomaaliya ayaa gaaray heer aad u sareeya, iyadoo la sheegayo in madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu ka tago shaqada ra’iisul wasaaraha, halka Saacid uu ku adkeysnayo in lagu kala baxo baarlamaanka hortiisa iyo dastuurka dalka u yaala.

Sidoo kale, afhayeeenka ayaa ka hadlay duufaantii ku dhufatay Puntland oo uu sheegay inay ahayd musiibo weyn, wuxuuna xusay in dhankooda ay ka geysan doonaan gacan sidii loo caawin lahaa shacabka ay dhibaatadu kasoo gaartay.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay xaalada ammaan ee Muqdisho isagoo qiray inay jirto in Al-shabaab ay weli dhibaatooyin ka geysanayso Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka ayna dadaal ugu jiraan sidii looga hortegi lahaa.

Salaanmedia. Muqdisho.