Baadhtaano lagu adkaynaayo amaanka oo caasimada Hargaysa maanta laga dareemaayey.

Saturday, November 9th, 2013

imagesCACAWCN9

Nov 9,2013 Hargaysa(SM)–waxaa saaka magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa ay ku waabariisatay baadhitaano xoog leh oo lagu baadhayo gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Waxaa isgoys yada wadooyin lagu daadiyay ciidan tiro badan si ay u baadhaan gadiidka,

waxaana samxad aad ka dareemaysaa wadooyinka oo gabi ahaanba mashquul ah iyadoo ay isdabo taxan yihiin baabuurta la baadhayo. Dadwayne badan ayaa saaka markii baadhitaanadan la bilaabay iskaga tagay baabuurtoodii oo ka lugeeyay maadaama aanay dhaqaaq lahayn isku socodka wadooyin oo mashquul badan laga dareemay ayaa dad badani Parkino iska dhigeen baabuurtoodii,

iyagoo miciinsaday labadooda laxaad ee lugaha. Si kastaba ha haatee baadhitaanadan ayaa ku soo beegmaya xili shalay galab la weeraray jeel weyn oo ku yaala magaalada boosaaso ee maamul gobaleedka Puntland taas oo laga cabsi qabo in sidan oo kale ay ka dhacdo Somaliland. Shan sano ka hor ayay ahayd markii weeraro mataano ah lagu qaaday boosaaso iyo hargaysa oo dad badani ay ku dhinteen in kalena ay ku dhaawacmeen ilaa hadana ay ciidamada amnigu heegan ku jiraan.

Salaanmedia/ Hargaysa Office Somaliland