Boorame: Dhalinyaro Budhadh Ku Weerartay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka

 

newslogo2
qqNov 9, 2013 Borama (SM) – Afar dhalinyaro ah oo budhadh sitay ayaa maanta xarunta dawladda Hoose ku weeraray a xildhibaan Cabdiqani Daa’uud Qalinle oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka ee degmada Boorama.


Goobjoogayaal ku sugnaa gudaha Dawlada Hoose ee Boorama ayaa saxaafadda uga sheekeeyay sida ay wax u dheceen waxana ay yidhaaheen “Mar kaliya ayaan ku war helnay buuqa gudaha Dawlada Hoose, waxana aan aragnay xildhibaan Cabdiqani oo ay dhalinyaro budhadh sidataa eryanayaan, iyo dadwayne kale oo kala dhex galay, ma jirin wax ciidanka Booliska ah oo goobtaasi iiga muuqday oo falkan ka dareen celiyay”
“Waa yaab, waa wax aan hore u dhicin in xildhibaan xaruntii Dawlada Hoose lagu soo doonto, ma suuraysan karo waxa ay tahay sababtu, waxase aan sheegayaa in loo baahan yahay in la ogsoonaado in falkaasi uu yahay mid qaflad ku ah, doorashooyinkii la galay ee dhalinyarada lagu soo doortay iyo waliba sumcada golayaasha degaanka ee dalka oo dhan”ayuu yidhi goobjoogahaasi
Dhinaca kale ilo wareedyo ka ag dhow, xildhibaanka falkani ku dhacay ayaa sheegay inaanay jirin wax dhaawac ah oo xildhibaanka ka soo gaadhay falkaasi, waxana ay intan ku dareen in ay dacwad ka dhan ah falkan gaariiyeen ciidamada Booliska, ilaa hadana baadhitaan uu socdo oo aan laga hor dhici karin waxa ay noqon doonto natiijadu”
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ah mid ugub ku ah saaxada golaha degaanka ee degmada Boorama, waxana ay soo shaac saaraysaa jiritaanka arimo badan oo u baahan in talaabooyin degdeg ah laga qaado oo ku aadan amniga xildhibaanada golaha degaanka Boorama.
Salaanmedia/ Borama Office