Ciidamada Dowladda oo markale dib looga soo saaray Deegaanka Nambar Konton

News logo.widea

Wararka laga helaayo Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya dib looga soo saaray halkaasi.

Ciidanka Dowladda oo gelinkii dambe ee shalay dagaalo culus looga soo saaray Deegaanka Nambar Konton, ayay saakay dib ugula wareegeen dagaalo culus.

Gurmadyo xoog leh oo soo gaaray dhinaca Maamulka Deegaanka Nambar Konton, ayaa waxay duhurnimadii maanta ay suurta gelisay in dib dagaalo culus looga soo saaro Ciidanka Dowladda.

Ciidamada Dowladda, ayaa dib markale loogu soo riixay dhinaca Deegaanka Muuri, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Afgooye iyo Deegaanka Muuri.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Deegaanka Nambar Konton, ay gebi ahaanba isku wada fidiyeen Deegaankaasi iyo goobaha kale ee ku teedsan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 12 askari oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmayn in ka badan 15 ruux, oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Saraakiisha Dowladda, oo ku aadan dagaalka maalintii 2-aad galay, ee ka dhacay Deegaanka Nambar Konton.

Salaanmedia/Mogdisho