Ciidamada Raaskanbooni iyo Ciidamada AMISOM oo Maanta Al-Shabaab kala wareegay Deegaan Muhiim ah

Deg deg Daawo Muuqaal: Dagaal Jilbaha Laisku Aastay Oo Ka Dhex Qarxay Shabaab Iyo Ciidamada Jubbaland oo ay lasocdaan Afrikan Union.

Wararkaka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubba ee Raaskanbooni iyo Ciidamo kale oo katirsan AMISOM ay maanta Al-Shabaab kala wareegeen Deegaan Muhiim ah oo katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada isgarabsanaya oo aad u hubeesnaa ayaa gaadhay lana wareegay Deegaanka Kudhaa oo Qiyaastii 90-km u jira Magaalada Kismaayo Xarunta Gobolka Jubada Hoose kadib markii Dagaalyahanada AL-Shabaab oo deegaankaasi gacanta ku hayay ay isaga baxeen.

Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in Kudhaa aysan wax dagaal ah ka dhicin ayna baneeyeen halkaasi dagaalyahandii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay Deegaankaasi iminkana ay gaadheen Ciidamada Raaskanbooni iyo kuwa Kenya oo isgarabsanay.

Deegaanka kudhaa ayaa ah Deegaan muhiim ah marka loo eego dhinaca dagaalka waxaana halkaasi Al-Shabaab ay ku lahaayeen xeryo lagu tababarto iyo saldhigyo ciidan oo Muhiim u ahaa Kooxdaasi.

Salaanmedia/Mogdisho