Daawo fadeexad aad u xun oo qabsatay safiirka wareega ee Somaliland Mr Kaysar iyada oo xafladii London Loo diiday in uu…. Nala Daawo

Daawo fadeexad aad u xun oo qabsatay  safiirka wareega ee Somaliland Mr Kaysar iyada oo xafladii London  Loo diiday in uu…. Nala Daawo

kaysar

 Video kooban oo laga duuban Shirkii qaadhaanka loogu uruurinayey Waddada  Ceerigaabo ayaa safiirka Ingiriiska u fadhiya Somaliland oo xaflada daadihinayey isku dayey in uu muquuniyo oo safka hore u diiiday safiirka Wareega ee   Kaysar  Cabdillaahi.

Kaysar oo markii hore qorshuhu ahaa in kursigiisu ku xigo wasiirka Madaxtooyada Xirsi  Cali Xaaji Xasan ayaa Safiirka Ingiirka u fadhiya Somaliland Cali Aadan Cawaale kurigiisii ku fadhiistay. Wuxuu dabadeed Safiirka  Wareegaa Kaysar Cabdillaahi uu dul wareegay xaflada dusheedii.  Mudane Kaysar wuxuu muddo ka dib  kala hadlay arrintii Safiir Cali Aadan Cawaale, waase ka garawsan waayey Cali arintaas kursiga lagu fadhiisanayo safiirka wareegaya ee sida haadka dul wareegaya, wuxuuna ugu yeedhay Illaalada shirka illaalinaysay ee wixii anshax xumo iyo fawda ka wada Shirka ka saaraya.

Intii aanay illaaladu Kaysar kaxayn ayaa qaban qaabayaashii shirku isku dayeen in ay dhex galaan oo safiir Cali u sheegaan in uu ku fadhiyo kursigii Kaysar, waxba se kama dhegeysan kooxdaas qaban qaabayaasha ah safiirku.

Aakhirkii Kaysar ayaa illaaladii kaxaysay oo ag fadhiisisay Xildhibaan Cali Gabilay, wuxuuse Kaysar jeclaystay in uu cidhiidhsado wasiirka Xirsi agtiisa oo kursigii ayuu soo qaatay oo ula soo guuray Xirsi agtiisa!

Weli ciyaartii waa ka dhex socotaa labada Safiir haddaad u fiirsato Video labada masuul  oo marka uu dhaafayo safiir Cali Cawaale,  Kaysar wuxuu ka codsaday in uu dhaafo meesha oo cidhiidhi ahayd awgeed, Cali se ma jeclaystay gursigaas dhinaca Xirsi loola gudbay.

Cajiladii oo faaf reeban daawo oo ka boggo ….Â