Daawo Muqaal:Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya”Marwo Foosiya Yusuf Xaji Aadan oo sheegtay in Haweenaydii iska casishay Bankgiga dhexe ayna cadeymo u hayn musuq-maasuqa ay sheegtay.


Friday, November 15th, 2013
Daawo Video:Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya”Marwo Yusur Abraar Gebigeedba 5 Cisho Ayey Muqdisho Joogtay Sedax Cisho Ayey Xafiiska Tagtay Waqti Ay Ku Tiraahdo Waxbaa La Masuq Maasuqay Ama Wax Baa La Dhacaay Wakhtiba Maba Siinin”
aNov 15,2013 Kenya (Cadceed)-Wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi gaar ah siisay Wariye Xamdi Kadiye ayaa waxay kaga hadashay arrimo badan oo ka mid tahay is-casilaadii Guddoomiyihii Bankiga Dhexe Marwo Yusra Abraar, midnimada Soomaaliya iyo howlaha Wasaaradeeda.
Wasiiradda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeymihii iyo sababta ay sheegtay iney isku casishay, iyadoo sheegtay in Muqdisho ay ku sugneyd mudo Shan cisho ah, Sedax cishana ay xafiiska tagtay, waqti ay ku ogaato, masuq maasuqna aysan helin.
“Yusra gebigeedba 5 cisho ayey magaalada joogtay, Sedax cisho ayey xafiiska tagtay, waqti ay ku tiraahdo waxbaa la masuq maasuqa ama wax baa la dhacaa, waqtiba maba siinin, inagana su’aallo nama weydiin, bankigana waxba ma weydiin, wax ay aragtayna oo meesha yaalna ma jiraan, waxay qortay iney dowladda u shaqeyneysay mudo bil iyo Labaatan maalin, intaasna uma shaqeyneyn dowladda oo dibada ayey war wareegeysay, maalintey soo gashay ilaa maalintey la wareegtay shaqada waa 5 cisho”ayey tiri Wasiiradda arrimaga dibada oo beenisay eedeymaha Yusra.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in arinkaasi malahan cid kale ay ka danbeysay, arintaasina Soomaaliya laguma ceebeyn karo, Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekhna shaqo kuma lahan, mana saameyn doonto”ayey sii raacisay Wasiirada.
Mar ay ka hadleysay mowqifka ay ka qabto midnimada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in taasi aysan u baahneyn in la isweydiiyo, iyadoo sheegtay in ciddii dooneysa iney ogaato heerka ay ka aaminsan tahay Midnimada Soomaaliya ay fiiriso heerka mansab iyo xafiiska ay fadhido, taasoo ay ula jeeday in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas, inkastoo ay sheegtay in horay ay SOmaliland tartan u gashay madaxweynenimada.
Salaanmedia/ Kenya Nairobi