Daawo Sawiro iyo Warbixin..Kulankii jaaliyada reer Somaliland ee UK ee qadhaan ururinta wadadda Burco iyo Ceerigaabo.

IMG_2419

Kulan balaadhan oo ay isugu yimadeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kulankaas oo ku saabsanaa qadhaan ururin Wadada Isku Xidha Burco Iyo Ceerigaabo Xafladan Ayaa Ahayd Mid Si Wayn Ay U soo Buuxdhaafiyeen Jaaliyada Reer Somaliland ee Ku dhaqan Daafaha Dalka ingiriiska Waxaanay goobtaa Ku Dhawaaqeen Lacag Kor U Dhaafaysa 150.000 Kun Oo Lacagta dalka Ingiriiska Ah Xafladan Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Xubno Ka Socda Dawalda Somaliland Oo Uu Hoominaayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mr Xirsi Xaji Cali Oo Ay Waheliyeen Wasiirka Difaaca Somaliland Mr Cadami Wasiiru Dawlaha Maaliyada Mr Cadaani Wasiirkii Hore ee Qoyska Marwo Ilhaan Mohamed Jama Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Ingiriiska Mr Cali Aadan Cawaale Safiirka Wareega Mr Kaysar Xildhibaan Cali Gabiley Iyo xubno Aad U Tiro Badan Oo kamida Gudida Wadada uu Madaxwayne Siilaanyo U Xilsaaray.

IMG_2247

Xafladan ayaa Dadkii goobtaa ka soo xaadiray dhamaantood Amaan Ugu Soo Jeediyeen Go.aanka Ay xukumada Somaliland Ku Qaadatay Wadadan Waxaanay Balan Qadeen In Ay Isla Barbartaagi doonaan Hiil Iyo Hooba Waxaana Goobtaa Ka Hadlay Dad Aad u Tiro Badan Oo dhamaantood Soo Dhaweeyey In La Dhiso Wadada.Wasiirada iyo Marti sharaf kale oo badan oo kulanka ka hadlay ayaa aad uga waramay muhiimada ay wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco ku fadhido iyo dhibaatooyinka bulshada kasoo gaadha wakhtigan xaadirka ah oo u baahan in shacabku u kaco.

IMG_2394

Kulanka oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriisku isugu yimadeen,Waxa madasha  ay ahayd mid shacabka reer Somaliland ee kulanka soo buux-dhaafiyey ay ku yaboohayeen lacago iyo agab kale oo dib u dhiska wadadu ay u baahan tahay,Haween aad u fara badan oo ka qayb qaatay,Odayaal iyo dhalinyaro fara badan Waxa dhinaca  kale ka qayb qaatay sharikado waaweyn oo lacago ku yaboohay aadna  dadkii madasha isugu yimid u farax galisay.Waxa shirkada Pontusmarin ay ku balan qaaday in marka ay hawsha shaqadeedu balaabanto ay qayb weyn ka qaadan doonto dhismaha wadada.Masuul ka tirsan sharikadu waxa uu sheegay  in ay sii wadayaan dhaqaalaha ay ku bixinayaan Wadada Ceerigaabo iyo Burco ilamaayo inta ay soo dhamaaneyso wadadu, qorshaha sharikada ayey ugu jirtaa in ay wax weyn ka qabato arimaha bulshada oo dhan. Waxa kale oo lacago ku deeqay sharikado kale iyo haayado samafaleed oo ka hawlgala dalkan Ingiriiska oo reer Somaliland ah, waxa aanu idiin soo gudbin donaa magacyada oo dhan cidii lacagaha ku deeqday.

IMG_2398

Gabagabadii xaflada Ayaa Waxaa Soo afmeeray Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Isaga Oo Mahad Iyo Farxad u Soo Dhaweeyey Shirka Una Riyaaqay sida Jaaliyada reer Somaliland Ugu Heelanyihiin Waxqabashada Dalkooda Waxaanuu Yidhi ”Tani Waxay Nagu Dhiirinaysaa Waxaanu U Dhaaranay Oo ah Dalkeena Wax U Qabashadiisa Waxaan Caawa Idiinku Bushaaraynayaa Wadada Ceerigaabo Way Dhamaanaysaa ee Ka Qayb Qaata.Waxa kale oo ka hadlay masuliyiin kale oo ka tirsan xukumada Somaliland iyo marti sharaf kale oo badan.

IMG_2404

Waxa kale oo wasiirku carabaabay in dadka wada war xumo tashiilka ay iska dhafaan oo dalka wax u qabtaan,Waxa naga go’ana inaanu hagaajinta wadad  Insha Allah dhameystirno.

IMG_2351

Kulankii habeenkii Sabtida ka dhacay bariga London waxa uu ahaa kulankii ugu faa’idada badnaa sida dadku ugu heelanaayeen in wadada Ceerigaabo iyo Burco noqoto mid si dhakhso ah ku dhamaan doonta,Qaar ka mid ah qaban-qaabiyayaasha kulanka oo aan la kulmay waxa ay ii shegeen in uu ahaa mid aanay filey in dad intaa leeg ay kasoo qayb galaan iyo sida dadku ay qadhaanka u bixiyeen,Waxa ayna shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan kula dar-darmeen in ay dedaalkan ay muujiyeen oo kale sameeyaaan si aynu u gaadhno himiladeena.

IMG_2387

Hadaladii Madaxdii iyo marti shafartii kulanka ka hadlay oo aad u badnaa iyo rayiga dadweynaha,waxa  aanu idiinku soo gudbinaynaa hadii Illahay yidhaahdo Muqaal si aad uga bogataan.

 

Lasocda Muqaalo dhawaan ku saabsan kulanka dhawaan hadii Illahay yidhaahdo.

IMG_2282 (800x533)

 

Xamse A Salaan

Salaanmedia/London

 

IMG_2144 (800x533) IMG_2145 (800x533) IMG_2148 (800x533) IMG_2157 (800x533) IMG_2158 (800x533) IMG_2163 (800x533) IMG_2164 (800x533) IMG_2189 (800x533) IMG_2190 (800x533) IMG_2208 (800x533) IMG_2224 (800x533) IMG_2232 (800x533) IMG_2251 (800x533) IMG_2259 (800x533) IMG_2261 (800x533) IMG_2295 (800x533) IMG_2297 (800x533) IMG_2299 (800x533) IMG_2332 (800x533) IMG_2358 (800x533) IMG_2362 (800x533) IMG_2366 (800x533) IMG_2373 (800x533) IMG_2374 (800x533) IMG_2375 (800x533) IMG_2377 (800x533) IMG_2378 (800x533) IMG_2380 (800x533) IMG_2382 (800x533) IMG_2383 (800x533) IMG_2388 (800x533) IMG_2393 (800x533) IMG_2417 (800x533) IMG_2420 (800x533) IMG_2430 (800x533) IMG_2445 (800x533) IMG_2463 (800x533) IMG_2465 (800x533) IMG_2467 (800x533) IMG_2470 (800x533) IMG_2486 (800x533) IMG_2487 (800x533)