Daawo Sawiro,Muqaal iyo warbixin ku saabsan casho sharaf lagu qaabilay wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Cali Xirsi Xaji Xasan ….London

IMG_1841 (800x533)

Kulan aad u balaadhan oo xalayto 8.11.13 ka dhacay bariga magaaladda London,Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid  ah shacabka reer Somaliland ee ku nool London iyo nawaaxigeeda,Kulanka oo ahaa casho sharaf lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xirsi iyo Tageero loo muujiyey dedaalka ku aadan wadada dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.Kulanka oo ay soo abaabuleen garabka Haweenka ee Bariga London waxa kasoo qayb galay Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska Mudane Cali Aadan Cawaale , Odayaal aad looga yaqaano Cariga Ingiriiska,Haween,Bahda Saxaafada iyo dhalinyaro.

IMG_1898 (800x533)

Casho sharafta oo ahayd mid aad looga soo shaqeeyey waxa hadalo aad u qiimo badan kasoo jeedisay  Ururka Haweenka ee Bariga London oo casho sahrafta soo abaabuley,Ugu horeyn waxa ay aad ugu amaaneen wasiirka dedaalka dheer ee  xukumada uu ka tirsan yahay ay ugu jirto ka midho dhalinta dib u dhiska wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo iyo dhamaan dedaalkooda ku aadan dalka,waxa ayna balan ku qadeen inay wixii karaankooda ah ay ku tageeri doonaan.

IMG_1880 (800x533)

Waxa kale oo kulanka hadalo koo-kooban kasoo jeediyey qaar ka mid ah marti sharafkii kulanka kasoo qayb galay oo isugu jirey rag iyo Dumar oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimada kulankan iyo sidii looga midho dhalin lahaa dib u dhiska dalka iyo gaar ahaan wadada wakhtigan qorshaheeda lagu jiro.

IMG_1948 (800x533)

Waxa isna madasha casho sharafta ah  ee lagu soo dhaweynaayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland hadalo kasoo jeediyey  safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale oo ugu horeyn aad ugu mahad celiyey Ururka Haweenka ee Bariga London ee cashadan soo abaabulay,Waxa uuna hadalo aad u muhiima oo ku aadan shacabka reer Somaliland usoo jeediyey  Safiirku waxa uu shacabka reer Somaliland ee dalkan Ingiirksa degan iyo Yuruba ugu baaqay in aykasoo qayb galaan kulanka bisha 16keeda  lagu qaban doono London in ay si weyn uga soo qayb galaan.kalana xidhiidhaan mareegaha Somaliland madasha iyo meesha lagu qabanaayo.

IMG_1915 (800x533)

Wasiirka Madaxtooyada ayaa ugu danbeyn kulanka lagu soo dhaweeyey ,waxa uuna aad ugu mahad celiyey casho sharaftan qiimaha badan ee ay soo abaabuleen Haweenka Bariga London,Waxa uu wasiirku ka cudur daartay in uu hadalkiisa u dhigan doono shirka bishan 16 keeda ka dhici doona London ee ay jaaliyada reer Somaliland ku kulmi donaan kasoo uu kula taliyey in si mug leh looga soo qayb galo.

IMG_1912 (800x533)

Waxa kulanka sidasoo kale qayb weyn ka qaatay East London Somaliland Society oo ah dhalin yaro ku bahoobay sidii ay horu mar gaadhsiin lahaayeen shacabka dalkan ku nool ee reer Somaliland iyo horumarka dalkanba.Ugu danbeyntii waxa Wasiirka lagudoonsiiyey shahaado sharaf ,waxa uuna kulanku kusoo dhamaaday guul.

Salaanmedia/London.

IMG_1837 (800x533) IMG_1841 (800x533) IMG_1846 (800x533) IMG_1851 (800x533) IMG_1859 (800x533) IMG_1862 (800x533) IMG_1865 (800x533) IMG_1873 (800x533) IMG_1876 (800x533) IMG_1880 (800x533) IMG_1881 (800x533) IMG_1885 (800x533) IMG_1894 (800x533) IMG_1898 (800x533) IMG_1900 (800x533) IMG_1902 (800x533) IMG_1904 (800x533) IMG_1908 (800x533) IMG_1910 (800x533) IMG_1912 (800x533) IMG_1915 (800x533) IMG_1920 (800x533) IMG_1924 (800x533) IMG_1926 (800x533) IMG_1928 (800x533) IMG_1930 (800x533) IMG_1931 (800x533) IMG_1934 (800x533) IMG_1937 (800x533) IMG_1938 (800x533) IMG_1939 (800x533) IMG_1940 (800x533) IMG_1941 (800x533) IMG_1945 (800x533) IMG_1946 (800x533) IMG_1948 (800x533) IMG_1952 (800x533) IMG_1953 (800x533) IMG_1954 (800x533) IMG_1955 (800x533)