Daawo Sawirrada Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Booqday Hotel Maka-Almukarama Ee Weerarka Ismiidaaminta Lagu Qaaday

Nov 10, 2013 Hargeysa(SM) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday Hotel Maka-Almukarama oo qarax lala beegsaday habeen hore iyo Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku wax yeeloobay qaraxii Maka-Al-Mukarama. Ra’iisul Wasaaraha oo ay ku wehliyeen booqashadiisa Qaar ka mid ah golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn tagay Isbitaalka Madiin, halkaasoo uu warbixin kaga dhageystay dhaqaatiirta caafimaadka iyo Maamulka Isbitaalka. Waxaa uu mid mid u kormeeray dhaawacyada ku jira Isbitaalka, isagoo u rajeeyay in Alle uu caafimaad siiyo, isagoo u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii habeen hore.

Agaasimaha Isbitaal Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Isbitaalka ay ku geeriyoodeen labo ka mid ah dhaawacyadii loo keenay, ayna yaalaan ilaa 15-dhaawacyo ah oo ay u fidiyeen adeegyo caafimaad, qaarkoodna dadkooda ay la baxeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in aysan u kala soocneyn shacab iyo dowlad

“Al-Shabab waad u jeedaan in aysan u kala socnayn shacab iyo dowlad, taasi waa mida ka muuqata dhaawacyada yaala Isbitaalka oo dhamaan tood ah dad shacab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay ee Hotel Maka-Al-Mukarama, isagoon u muujiyey in dowladu ay aad uga xuntahay qasaraha soo gaaray Hoteelka, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ku dhiiri galiyey Maamulka Hotelka inaysan dib uga noqon horumarka iyo maalagashiga ay dalka ka wadaan, waxaa sidoo kale warxbixin ka siiyey dhibaatada soo gaartay Hotelka Milkiilaha oo sheegay inaysan cabsi galinaynin in ay hor istaagaan ganacsigooda qaraxyada noocaan oo kale ah, wuxuuna uga mahadnqay booqashada uu ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha

Salaanmedia/Muqdisho Office