Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Deg Deg” Odayaasha Beesha Direed oo Xasan Shiikh 24-Saac U Qabtey & Kulan Xaasasi+Dagaal

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho beelaha Direed Waxgaradkooda iyo Xildhibaanada ayay uga hadleen arimo badan oo kusaabsan Dagaalo kasoo cusboonaday deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan deegaanada Muuri iyo N50 halkaasi oo isku farasaareen Malayshiyo beeleedyo u abaabulan qaab Ciidan Qaran.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii ka hadlay Kulanka ayaa sheegay inay qaadan doonaan Tilaabo dag dag ah hadii aysan madaxda dowladda ka hadlin dagaalka gobolka ka taagan.

 

Suldaan Cali Ibrahim Xaaji Cabdalla oo kamid ah Salaadiintii kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeyay sidii ay wax uga dhaceen deeganka, wuxuna sheegay Ciidamo kasoo baxay Magaalada Muqdisho inay deegaanka weerar ku qaadeen.

Suldanka ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Gen Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Millatariga Soomaaliya kaasi oo uu xusay inuu ka danbeeyay Ciidanka meesha weerarka ku qaaday.

Salaanmedia/Mogdisho

ODAYAAL

Please follow and like us:




Leave a Reply