Diyaarado dagaal oo Duqeymo culus ka geestay Deegaano lagu Tuhmayay Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Daawo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ciidamo Maraykan ahi ay Diyaarad Khaas ah ku qaadayaan, Wakhti uu bada dusheeda Saraakiil sar-sare kula kulmaayey.

Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada Kenya ayaa duqeyn culus waxa ay ka geesteen Saacadihii lasoo dhaafay Deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo lagu tuhmayo in ay kusugan yihiin Dagaalamaal katirsan Al-Shabaab.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay Deegaano u dhaxeeya Kudhaa iyo Caanoole oo katirsan Gobolka Jubada Hoose , waxaana si rasmi ah aan loo ogeyn in khasaraooyin kasoo gaadhey Duqeyntaasi Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay in Duqeymo Culus diyaaradaha Dagaalka Kenya u geesteen Deegaano lagu tuhmayo in AL-Shabaab ku xoogan yihiin saldhigyo ciidana ku lahaayeen.

Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah kama aysan soo saarin duqeynta la sheegay in loo geestay deegaano ay ka maamulaan Gobolka Jubada Hoose , waxa ayna Duqeyntan imaaneysa Xili Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka bishii hore Duqeyn ay ka geesteen Deegaan Jilib ku dhaw ku dileen Hogaamiye sare oo katirsanaa Al-Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho