Dowladda Ethiopia oo heegan sare gelisay ciidankeeda ammaanka, iyadoo weeraro Al-Shabaab laga cabsanayo

ethiopian_army

Dowladda Ethiopia ayaa heegan sare gelisay ciidamadeeda ammaanka ee dalkaasi, kadib laamaha ammaanka dalkaasi oo helay xogo ku saabsan weeraro Al-Shabaab ay ka geysan rabaan gudaha dalka Ethiopia.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Ethiopia ayaa sheegtay in xogta la helay ay sheegayso in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan dalka Ethiopia.

Booliiska Federaalka dalka Ethiopia iyo sirdoonka dalkaasi ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan (NISS) ayaa siwadajir ah ushaaciyay in ciidamada ammaanka dalka heegan buuxa la geliyay si looga gaashaanto weeraro Al-Shabaab ay ka geystaan Magaalada Addis Ababa.

Booliiska dalka Ethiopia ayaa sidoo kale ku wargeliyay shacabka ku nool dalka Ethiopia inay la xiriiraan hadii ay ka warhelaan waxyaabo qal-qalgelin kara amniga dalkaasi Ethiopia.

Dadka leh guryaha iyo milkiilayaasha Hoteelada ayaa loo sheegay inay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan mehradooda aqoonsiga ay haystaan si loo ogaado qofka meesha dagaya waxa uu yahay iyo inuu sharcihaysto.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada ammaanka dalka Ethiopia heeganka caynkaan oo kale ah la geliyo, tan iyo wixii ka dambeeyay hanjabaadaha Al-Shabaab kasoo yeedhaye ee ku beegan weeraro ay ka geystaan dalalka ciidanka ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Bishii Septembar 21-keedii waxa ay weerar culus ka geysteen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan suuq ganacsi oo lau magacaabo Westgate, halkaasi oo ay ku dileen 67-ruux dad ku dhawna 200-ruux ay ku dhaawaceen.

Salaanmedia/Mogdisho