Dowladda Soomaaliya oo taageertay go’aanka Maxkamada Sare ay ku ogolaatay sii waddida lacagaha xawaaladdaha.

Barclays Bank

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aanka ay gaadhay Maxkamadda sare ee dalka Britain, kaasi oo lagu go’aamiyay in Bankiga Barclays uu sii wado adeegga uu u hayay dadka Soomaaliyeed ee xawaaladaha.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda sare ee dawladda Britain, waana mid farxad geliyay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ka walaacsanaa in ay waayaan lacagaha ay eheladooda uga soo diraan dalka dibadiisa.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara oo ku aadan sii wadista adeegyada xawaaladaha Soomaalida.

“Waa in Dowladda, maamulayaasha xawaaladdaha iyo madaxda Bankiga ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo nadiif ah dhinacyaduna ku qanacsan yihiin”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirtay bilihii u dambeeyey sidii loo hakin lahaa go’aanka Bankiga Barclays uu ku joojinayo accountiyada lacagaha la sii marsiiyo ee shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida.

go’aanka Maxkamadda Sare ee U.K, ayaa wuxuu ka tarjumayaa  dadaalkii Madaxda Dowladda iyo shirkaddaha xawaaladaha ay sameeyeen.

Salaanmedia/Mogdisho