Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Ee Muuse Biixi Iyo Samaale, Maxaa Ka Jira Is-casilaada Wasiirka Maaliyadda? & Natiijooyinka Kulamadii U Danbeeyey(Akhriso Warbixin Dheerad Ah)

siilanayonewslogo2

siilanayoNov 7,2013 Hargaysa(SM)- Warar lagu kalsoon yahay ayaa cadceed u xaqiijiyay in wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iska-casili doono xilka uu hayo ee wasaarada Maaliyadda maanta, tartana u geli doono doorashada xilka gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ka dib markuu ka gows-adaygay talooyin ka soo gaadhay madaxtooyada Somaliland. siilanayo

Siday sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxa ila xalay kulan isku horfadhiyey koox wasiiro iyo guddiga fulinta ee xisbiga Kulmiye oo dhinac ah iyo garabka uu hogaaminayo Samaale ee xisbiga Kulmiye, taasina waxay ka dambaysay markii Madaxweyne Siilanyo go’aamiyey in jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiyo, loo daayo qabashadeeda Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena, jagada musharaxa xisbiga Kulmiye u taagan doorashada madaxtooyada u noqdo xisbiga Kulmiye, wasiirka Maaliyadda, Md. Cabdicasiis Samaale, taasoo la sheegay inuu  ka biiyo diiday Samaale.

Siday tibaaxeen ilo-wareedyadan, waxa shalay kulan isku hor-fadhiistay madaxweyne Siilanyo iyo guddiga fulinta xisbiga Kulmiye, iyo koox wasiiro ah, kuwaas oo la sheegay inay si adag uga wada hadleen go’aanka uu gaadhay Madaxweyne Siilanyo, oo ku sababeeyey mid ujeedadeedu tahay in xisbigu si isku mid ah u sii wada joogo, wakhtigana labadaa jago kala qaataan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka Maaliyadu Md. Cabdicasiis M Samaale.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Cabdi-casiis Samaale iska casilayo jagada wasiirnimada ee xukuumada uu ka hayo maanta, isla markaana, go’aan ku gaadhay inuu u ban-baxo tartan siyaasadeed oo intan ka sii adag. Hase yeeshee, waxa taa aad uga dagaalamaya guddiga fulinta Kulmiye iyo koox wasiiro ah oo markii hore taageersanaa inuu ku soo baxo jagada gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, kuwaasoo uu Madaxweynahu faray inay ku qanciyaan, inuu taladiisa qaato, isla markaana aanu is-casilin.

Dhamaan arrimahani waxay soo baxayaan, ka dib markii dhowaan la magacaabay guddiga qabanqaabada shirweynaha kulmiye, kuwaas oo markii hore loo arkayey inuu badsaday garabka mujaahid Muuse Biixi, balse aakhirkii, doorashadii hogaankoodu keentay in garabyadii ku loolamayey gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye midkood, u cuntami-weydo, taasoo gayeysiisay xisbiga Kulmiye, in loo baahdo awood wax lagu muquuniyo, dhankii ay doonto ha u dhacdee.

Salaanmedia/Hargaysa Office Somaliland