Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Guddida Qaban Qaabada Shirka Talo Qaran Ee Ay Xisbiyadu Wadaan Oo Ka Soo Badhigay Qodobadda Lagaga Hadli Doono Shirkaasi

image

Hogaanka Guddida qaban-qaabada shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ahi Abaabulayaan Dr Maxamed Cismaan Fadal Iyo Marwo Faadumo Siciid, ayaa mar kale ka hadlay qodobbada lagaga hadli doono shira talo-qaran.

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddida qaban-qaabada shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ahi Abaabulayaan oo maanta  shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in shirkaasi lagaga hadli doono afar qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinka, la xisaabtanka xukuumadda iyo qadiyada Madax-banaanida Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada shirka talo-qaran Dr Maxamed Cismaan Fadal, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaanu qabanaynaa dood-qaran, Dooda qaranna dastuurka ayay salka ku haysaa, doorashooyinka ayay salka ku haysaa, xukuumadda jirta iyo ictiraafka ayay salka ku haysaa, xisbiyada iyo waxa loo igmaday ayay salka ku haysaa, doodani waxay xero iyo meel ay soo galaan u samaynaysaa dadka balaadhan aqoonyahankeeda, dhalinyaradeeda, qurba-joogeeda iyo haweenkeeda is leh wax ku darso qarankaaga, dooda qaran waxay tahay in wixii xun laga wada hadlo, in wixii dhiman laga wada hadlo, in mustaqbalka halka loo soconayo la jeexdo”

Dr Maxamed Cismaan Fadal oo hadalkiisa sii watay   waxa uu intaasi ku daray “Dooda-qaran, waa afar qodob oo muhiim ah (ayaa lagaga wadahadlayaa), afartaa qodob wixii ummaddu ku soo darsatana waanu ku daraynaa, waa doorashooyinka inaynu dibin-daabyadooda iska gufayno, oo qaarbaa innaga xumaadee aanay dib innooga xumaanin, waa Madax-banaanida dalkan iyo sidii looga wadahadli lahaa iyo tubtii loo jeexi lahaa iyo sidii aynu u hagaajin lahayn caalamka shakigu innaga galay oo aynu dib ugu soo debaalano, waa inaynu la xisaabtano dawladdii aynu sharciga ku dooranay ee balan-qaadyada inoo samaysay, ee aynu nidhi dastuurka iyo sharciga noo ilaali. Waa inaynu la xisaabtano haddii ay sharciga jabisay iyo haddii ay wanaag innagu wadaba” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ta kale, waxa weeyaan wixii innaga dhiman, sida Guurtida, Miyeynu dooranaa, miyeynu ka tagnaa, miyey is-dhaxlaan, shuruucdii aynu u samaysanay maku fadhiyaan, shirka iyo dooda aanu doonaynaa, sidaas ayay ku fadhidaa”

Guddoomiye ku xigeenka Guddid qaban-qaabada shirka Dood-qaran Marwo Faadumo Siciid, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Xoriyatal Qawlka Somaliland Cid Hor Is hor-taagi kartaa Ma jirto, Dooda Qaranna Dastuurkaa noo ogol, waanay qabsoomaysaa, shirka doodad qaran oo cidna loo daba fadhiisan mayo”

Salaanmedia/Hargaysa

 

Please follow and like us:




Leave a Reply