Guddoomiyaha Qurbajooga Qaarada Yurub Oo Ku Bogaadiyay Jaaliyada Uk Siday Uga Qayb Qaateen Qaadhanka Wadada Ceerigaabo.

(SM-London)Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo kan xafiiska xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland waxaan halkan salaan sharaf badan Uga dirayaa bulshada reer Somaliland shicib iyo xukuumadba, waxaan inoo rajaynayaa inaynu isku duubnidaa ku waajihi doono arin kasta oo qarankeena iyo bulshadeena ka dhaxaysa.

Intaas ka bacdi waxaa farxad iyo sharaf u ah jaaliyada Somaliland ee reer UK sidii isku duubnida ahayd ee ay habeenkii Sabtida ugu gurmadeen Dhismaha wadada Ceerigaabo oo ah halbowle muhiima oo u baahan in aan loo kala hadhin sidaa darteed waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin Uga dirayaa jaaliyada Somaliland ee Reer UK guud ahaan waxaan si gaara u hambalyeynayaa reer London oo muujiyay shucuur wadaninimo iyo isku duubni ay ugu diyaargaroobeen ka qaybqaadashada dhismaha wadada Ceerigaabo iyagoo aan u kala hadhin mucaarid iyo muxaafid toona waxaan rajaynayaa in gobolada kale ee UK iyo wadamada yurubna ay muujin doonaan wadaniyadaas oo kale.

Waxaan halkanuga mahad naqayaa gudigii qabanqaabada ee xilka weyn iska saaray qabsoomida kulankaasi, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa fanaaniintii reer Somaliland ee guubaabada la garab taagan bulshadooda iyo Saxaafada Somaliland ee sida Hagar la,aanta ah uteninayey wararka, waxaa xusidmudan inaan u mahad noqo Dalada British Somaliland Council BSC oo ku yaboohay lacag dhan 15.000$ inaykudarayaandhismaha wadada anigoo hore u sheegay in daladaasi tahay mida ugu weyn ee ay wax garadkii reer Somaliland  ku midoobeen sidaa darteed qiimeheeda iyo tix gelinteeda la siiyo anigoo ku talinaya in aynu ka dhigano hogaanka jaaliyadaha UK.

Waxaan ugu danbayn mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa gudiga qaran ee uu madaxweynuhu u magcaabay dhismaha wadada Ceerigaabo oo uu Gudomiye u yahay wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed X Cali Cadami iyo xubno kale oo waqtigooda u huray inay Meel mariyaan dhismaha wadada Ceerigaabo .

 

Ilaahay ayaa mahad leh

Abdiraxman Ali Ubaxle

Gudomiyaha Qurbajooga Somaliland ee Yurub.