Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo qaadacay Shirweynaha ka soconaaya Magaalada Muqdisho

News logo.widea

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ay ka soo horjeedaan Shirweynaha, maalintiisii 3-aad ka soconaaya Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha, oo wareysi siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay inaanay waxba ka gelin Shirweynaha ka soconaaya Magaalada Muqdisho, wixii natiijo ah ee ka soo baxa.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu xusay in markii ay isku diyaariyeen shirka, ay Dowladda ka waayeen ixtiraamkii iyo miisaankii ay ku lahaayeen shirka, sidaasi daraadeedna ay ka soo horjeedaan.

Dowladda, ayuu ku eedeeyay in ay xagal daacin ka dhex bilowday beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Isla-markaana uu shirka Xamar yahay, mid loogu gafaayo buu yiri dadka Deegaanka.

Salaanmedia/Mogdisho