Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xibiga WADDANI oo kula kulmay magaalada Helsinki Maalgashadayaal Scandinavian ah

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha

SONY DSC

Xibiga WADDANI oo kula kulmay magaalada Helsinki Maalgashadayaal Scandinavian ah
 Waxa ka dhacay Hilton Hotel ka ku yaala magaalada Helsinki Ee Dalka Finland kulan Qaatay Saacado badan Kaas oo Dhex Maray Gudomiya Golaha Wakiilada Somaliland C/rahman Mahmed C/llahi ( Ciro ) Ahna Gudoomiyah Xisbiga WADDANI iyo maal qabeeno reer Europe ah oo Dalalka Scandinavianka hanti iyo Ganacsi Warshado u badan ku leh kulanka waxa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee laanta Finland C/rahman Ibrahim Carte, Kulankaas oo Qaatay Saacado Badan oo lagaga wada hadlay Suurtagalnimada Sidii ay Maalqabeenada scandinavianka ahi u maal gashan lahaayeen somaliland Mudada Dhaw, iyo sidii ay Maalqabeenadaasi ugala shaqayn lahaayeen xukuumada iyo shacbiga reer Somaliland hanashada Ictiraaf Caalamiya.
SONY DSC
Maalgashigaas oo fududayn doona xal u helida baahiyaha badan ee shaqo la´aanta ee haysata dhalinta ka qalin jebisay Dugsiyada iyo jaamacadaha kala duwan iyo Farsamao yaqaanada  xirfadaha kala duwan lehba, waxa kale oo la falanqeeyay oo laysla fahmay sidii uu  Maalgashigani albaabada ugu furi lahaa sidii aya maalqabeeno badan oo reer galbeed ahi dalka u iman lahaayeen una maal gashan lahaayeen. Ugu dambayntii wax ay ka aqbaleen Maal qabeenadaasi Casuumad uu u fidiyay   G.G.W. Ee somaliland ahna G.X.WADDANI inay dalka sidii Ugu Suurtaglsan u yimaadaan oo ay Indhahooda kaga soo bogtaan dalka Nabada taala iyo Fursadaha Maalgashi ee ka buuxa, iyo sidii ay u Arki lahaayeen Umada reer somaliland Xukuumad iyo Shacbiba inay yihiin Dad u furfuran Cidii maal gashanaysa dalkooda.
                                                 Shirkaas ama Kulankaasi wuxuu ku soo gebo geboobay is afgarad iyo himilo fog oo wax wada qabsi ka Muuqado.
SONY DSC SONY DSC SONY DSC
A .I .Arte.

Helsinki.Finland.