Kulan Xalay Dhex Maray Guddoomiyaha Guurtida Iyo Guddoomiye Muuse Biixi & Laba Qodob Oo Xaasaasi Ah Oo Halkaas La Iskula Qaatay

Kulan Xalay Dhex Maray Guddoomiyaha Guurtida Iyo Guddoomiye Muuse Biixi & Laba Qodob Oo Xaasaasi Ah Oo Halkaas La Iskula Qaatay

39Nov 5,2013 Hargaysa(SM) Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa xalay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Labada masuul waxa kulanka ku wehelinayay wasiiro, xildhibaano iyo salaadiin ka soo jeeda beelaha ay ka soo kala jeedaan.
Kulankaasi wuxuu ahaa mid wararkiisa aad loo adkeeyay,

waxase sheegeen in lagaga wada hadlay ismari-waaga ka dhex taagan xisbiga KULMIYE, gaar ahaan arrimo khuseeya dhinaca Muuse Biixi iyo sida loo xalin karo. Odayaasha iyo masuuliyiinta la socotay dhinaca guddoomiye Saleban oo ka soo jeeday Beesha bariga Burco ayaa la sheegay inay Muuse Biixi ku wargeliyeen laba qodob oo ay beel ahaan qaateen, kuwaas oo ay sheegeen inay Madaxweyne Siilaayana ku wargeliyeen. Warku wuxuu sheegay in qodobka koowaad yahay inaan Muuse Biixi lagula tartamin guddoomiyenimada xisbiga, lana taageero murashaxnimadiisa guddoomiyaha KULMIYE iyo qodobka labaad oo ah in Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ahaado wasiirkiisa maaliyadda.

Labadan qodob oo uu Muuse Biixi ka aqbalay odayaasha ka socday beesha bariga Burco, lama garanayo in Wasiir Samaale aqbali doono, waxase jira warar sheegaya inuu ku gacan saydhay, ka dib markii ay hore ula kulmeen.
Dhinaca guddoomiye Saleban waxa la sheegay inay shirka ku weheliyeen suldaano ka tirsan madaxdhaqameedka beesha bariga Burco oo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamuud Guuleed, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, xildhibaano uu ka mid yahay xildhibaan Cali Mareexaan iyo xubno kale. Dhinaca Muuse Biixi waxa weheliyay sida la sheegay wasiirada ganacsiga, waxbarashada xildhibaan Ibrahim Axmed Haybe, Xasan Mawliid iyo xubno kale.

Salaanmedia/Hargaysa Office

Geeska Africa