Madaarka Diyaradaha Burco Oo Maanta la soo Gaadhsiyay Taar iyo Siliig Lagu Wareejin-Doono Qayba Danbe Ee Madaarka Burco

 image

Madaarka Diyaradaha Burco Oo Maanta la soo Gaadhsiyay Taar iyo Siliig Lagu Wareejin-Doono Qayba Danbe Ee Madaarka Burco

Gudida Dibu Dhiska Madarka Diyaradaha Ee Magalada burco ayaa Maanta si Rasmi Ah ula Wareegay Taar Lagu Wareejin-Doono Qayta Danbe Ee Madarka Diyaradaha.

Munaasibad Balaadhan Oo Lagula Wareegayay Taarkani la soo Gaadhsiyay Madarka ayaa Waxa Goob Joog ka ahaa Gudomiyaha Gobalka Togdheer Axme Cumer X C/laahi (Xamarji) Maamulaha Madarka burco C/Risaaq Siciid,Gudomiyaha Gudiga Dibu dhiska Madarka Sheih Cali Mowliid.Maayir ku Xigenka Burco Muxumed Xoday.iyo Masuliyin Kale Oo Aad u Tiro badan….

Ugu Horaynba Waxa Halkaasi ka Hadlay Gudomiyaha Gudiga Dibu dhiska Madarka Burco Sheikh Cali Mowliid Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Halka Uu Wakhtigani Marayo Howlaha Dibu dhis Ee ka Socda Madarkaasi.

Waxaana ka mid ahaa Hadaladisii ” waxaanu  Maanta Halkan ku dejinaynaa qalabkii Loogu Talo Galay madaarka Diyaradaha burco intiisi hadhay.Qorshaha Dhow waxaanu ugu talo-galnay in Sadex Km Oo Madaarka ah la soo Xidho,Sadexdaas Km Hal kiloo Mitir iyo Badh Waxa ku Wareegsan dayr,inta hadhay Ee Hal Km iyo Badh ahna Waxa Lagu Wareejin-Doono Silig iyo Taar,Sida Aad Maanta aragtaan Siligan Waxa Laga Keenay Waddanka China,Runtii Waxaanu Rajaynaynaa inuu Madaarkani Noqdo Madaarka Madarada Somaliland si Kaamil ah Uu Dayrkiisu u Wareegsan Yahay,Lacagta Qalabkani ku Baxday Waxay kor u Dhaafaysa Boqol iyo Konton Kun Oo Dollar,Waxaanan Xukumada S/land ku Aamanayaa Doorka Fiican Ee ay Kaga Qayb-qaadatay Dhismaha Madarkani” Ayuu Yidhi Gudomiyaha Gudiga Dibu dhiska Madarka

Xoghayaha Gudiga Madarkaasi burco Yasiin Maxamed Shide Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa baaq u diray Bulshada.Ganacsatada iyo Qurba-Jooga Reer S/land inay ka Qayb-qataan Dhismaha Madarka Oo Uu Shegay inuu Gaba-Gaboobay Qaybtiisi Kowaad.

Maamulaha Madaarka Diyaradaha Burco C/Risaaq Siciid Xaji Axmed Oo isaguna Dhinaciisa halkaasi ka hadlay ayaa shegay in lasoo gaba-gabeyay Qaybtii Security amaanka Ee Madaarka Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Waxaan Maanta Farxad wayn ah in la soo gaba-gabeyay Qaybtii Kowaad Ee Madarka Diyaradaha Ee Security,Waxaan Runtii Amaan Baladhan usoo Jeedinayaa Gudiga Madaarka Oo Runtii Hadh iyo Habeenba Aan ka Seexan Sidii Uu u Horumari-lahaa Madaarku.Anigoo ku Hadlaya Afka Wasarada Duulista iyo Hawada Waxaan Shacab Reer S/land usoo Jeedinayaa inay ka qayb-qataan Dhismaha Madarka Oo Runti Maanta Maraya Marxalad Lagu Farxo” Ayuu Yidhi Maamulaha Madarka Burco

Maayir ku Xigeenka Degmada burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) iyo Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) Oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaan soo dhaweyay agabkani muhiimka ah ee la soo gaadhsiyay madarka burco.

waxaanay Tilmaamen in Wakhtigani Loo Baahan Yahay Sidii Laysaga Kaashan Lahaa Sidii Loo Dhamaystiri-lahaa Dhismaha Madaarka.,

Gaba-gabadii waxa Halkaasi ka Hadlay Gudomiyaha Gobalka Togdheer Axmed Cumer X- C/Laahi (Xamarji) Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii ” Waxaan Ugu Busharanayaa Dadwaynihii ka Gacan Gaystay Madaarka dhamaantod inay u Muuqato in la Dhamaystiray Guud ahaanba Qaybtii Security Madaarka,Waxaan Filayaa inuu Madaarka burco yahay Madaarka Kaliya Ee S/land ku Yaala Ee Qalabkiisa Laga Dalbaday Dalka China Waa Guul Uu Gobalka Togdheer Gaadhay,Bulshada Reer S/land Gaar ahaana Reer Togdheer waxaan Leeyahay Howshii Madaarku inagama Dhadhowa Roonwaygii iyo Terminalkii ayaa inoo hadhsan Gudo iyo Dibadba aynu ka Wada Qayb-qaadano Dhismaha Madaarka ” Ayuu Yidhi Gudomiye Xamarji

Si Kastaba ha ahatee Dhismaha Madaarka Diyaradaha Ee Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa isagu Wakhtigani ah Mid ku Dhow Gabo-Gabo……………………………….