Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya

 

“Waxa beryahan dambe soo baxayay hadallo aan xaqiiq ahayn oo sheegayay in xidhiidhka Somaliland iyo Inigiriisku uu sidii hore ka khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid aan jirin”IMG_0002

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis ababa u fadhiya Mr Chris Allan.

Kulankan ka dib waxa qasriga madaxtooyada Shir Jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah iyo Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya magaaladda Addis-ababa.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in socdaalka Safiir Ku xigeenku la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga Somaliland iyo Ingiriiska waxaanu yidhi “Waxa maanta socdaal ku yimid dalka Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa, Chris Allan oo horena dalka u yimid. Socdaalkan oo muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Britain iyo Somaliland ee dhinacyada nabad-gelyada iyo dhaqaalaba leh.”

“Britain waa dalka mucaawimada ugu badan siiya Somaliland, waxaanan la leenahay dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba xidhiidh soo jireen ah oo ah wax wada qabsi si isku dheeli-tiran ay labada dal u shaqeeyaan,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “imikana booqashadiisa iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynuhu waxay la xidhiidhaa sii kobcinta xidhiidhka labada dal.”

“Britain waa saaxiibadda ugu dhow dhow ee ay Somaliland ku leedahay adduunka reer galbeedka, waxaanan rajaynaynaa inuu xidhiidhkaasi sii kardho,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashigu. Waxaanu intaas ku ladhay “Waxa beryahan dambe soo baxayay murrano iyo hadallo aan xaqiiq ahayn oo sheegayay in xidhiidhka Somaliland iyo Inigiriisku uu sidii hore ka khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid aan jirin oo ka fog xaqiiqda.”

“Waa dalka ugu badan ee amniga iyo dhaqaalaha kala shaqeeya Somaliland, imikana waxay nagala shaqaynayaan dhinacyo cusub,”ayuu intaas raaciyay.

Sidoo kale safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr. Chris Allan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland oo ah dal uu ka dhaxeeyo wax-wada qabsi soo jireen ah oo ku wajahan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Waxaanu tilmaamay in iskaashigaasi uu yahay mid mar kasta la sii xoogeynayo oo aan hoos u dhici Karin.

Danjiruhu waxa uu intaas ku daray inay madaxweynaha isla faaqideen qodobo la xidhiidha mashaariic horumarineed oo ay ka fulinayaan dalka.

Salaanmedia.com/Hargaysa