Madaxweyne Siilaanyo Oo Saacadaha Soo Socda Saraakiil Militari Kula Kulmi Doona Markab Taagan Xeebta Berbera

Daawo Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayey oo saraf ugu kicitimay Turkiga. 1.10.13 uu

Berbera:15-Nov-2013(SM)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno k tirsan Golihiisa Wasiirrada  , ayaa  saacadaha soo socda ee Maanta Markab dushii shir kula yeelan doona Saraakiil Millateri, kaasoo ku sugan duleedka Dekedda caalamiga ah ee Berbera.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu maanta tegi doono magaalada Berbera. Waxaanu Warku intaas ku daray inuu halkaa u tegayo si uu kulan ula yeesho Saraakiil Millateri oo ka tirsan Ciidammada Badda ee dalka Ingiriiska oo la socda Markab dagaal oo ah kuwa diyaaraduhu ka dul haadaan.

 

Lama Hayo  war faahfaahsan oo Madaxtooyadu ka soo saartay safarka Berbera ee Madaxweynaha iyo kulanka uu Saraakiishaa Markabka kula dul-yeelanayo toona, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka ag-dhaw Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya   in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubno Wasiirro ahi maanta tagayaan Berbera, isla markaana ay Markab taagan duleedka Dekedda Berbera ee Xeebta ay Madaxweynaha iyo Xubno Wasiirro ahi kula dul-shiri dooonaan Saraakiisha Millateri ee saaran Markabkaas.

Ila-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Kulankaas ka sokow Wasiirrada ay Madaxweynaha ku wehelin doonaan Taliyeyaasha Ciidammada Booliska iyo ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland. Warku waxa uu intaa ku ladhay, in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socda ay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ka qaadi doonto garoonka diyaaradaha ee Berbera, isla markaana dul-geyn doonto Markabka dagaal ee ay Ciimadda Badda ee Boqortooyada Ingiriisku leeyihiin, waxaanay halkaa kaga wadahadli doonaan sida la sheegay arrimo kala duwan oo labada dhinacba dani ugu jirto, isla markaana ay ka mid yihiin arrimaha nabadgelyada, tayaynta Ciidammada ilaalada Xeebaha iyo Booliska iyo qodobbo kale.

 

Salaanmedia/HargaysaÂ