Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Caawa si kulul uga hadlay Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Somalia.

index

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa caawa si kulul uga hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon .

Cabdi Qasim ayaa xusay in xiligan aan loo baahneyn khilaaf Siyaasadeed oo soo kala dhax gala Madaxda dalka xili dalka ay a jiraan musiibooyin dabiici ah iyo kuwa kale ,waxa uuna ka codsaday madaxda dalka in Khilaafkooda deg deg u xaliyaan.

” Adeer Carab iyo ilkaa isugu dhaw weyna is qoomaan , Khilaafka waa imaan karaa laakin waxaa muhiim ah in la xaliyo si looga horgago dhibaatooyin ka dhalan kara Khilaaf Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha” ayuu yiri Cabdi Qaasim.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaadim Salaad ayaa sheegay in doorka kaliya Xildhibaanada ka qaadan karaan Khilaafkan in uu yahay hadii lagu guul dareesto xalinteeda in ay Codka kalsoonida u qaadaan Xukuumada ama codka siiyaan ama u diidaan , waxa uuna intaa ku daray Khilaafyada soo laab laabta in ay sabab u tahay Dastuurka uu wax badan kala cadeyn..

Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa xusay in labada Dhinac Khilaafka u dhaxeeya loo saaro dad ay labada dhinac ku kalsoonyihiin si xal looga gaaro , waxa uuna intaa raaciyay hadii Xukuumadan la rido ay dib u dhac u imaaneyso Dowlada ayna dhibaato tahay in mar kasta dowlad la rido mid kalana hadana lasoo dhiso.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili Mgaaalada Muqdisho si weyn looga dareemayo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo hada maraya heerkii ugu sareeyay.

Salaanmedia/Mogdisho